|

Xabaal
wadareed Dad aay laayeen Khawaarijta Alshabaab oo laga helay
Degmada B/weyne.
Xabaal wadareed Dad aay ay laayeen
Khawaarijta Al Shabaab ayaa saakay laga helay degmada Beled
weyne ee Gobolka Hiiraan ee dhawaan laga fara maroojiyey Khawaarijta.
Wararka saaka laga helayo magaalada
Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi
lagu arkay islamarkaana laga soo saaray xabaal wadareed ay
ku aasnaayeen ku dhawaad 20 ruux oo ay khawaarijtu laayeen
sida sheegeen dadka deegaanka.
Goobjoogayaasha ayaa waxa ay
sheegeen in xabaal wadareedkaasi laga soo saaray meydadkaasi
uu ku yaalo xaafadda Kooshin ee dhacda Bariga magaalada Baladweyne
ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan
in meydadka halkaasi ku aasan ay qaarkood ahaayeen dad shacab
ah oo ay laayeen Al Shabaab iyo kuwa kale oo horay uga mid
ahaa Al Shabaab kuwaasi oo ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay
deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta Maamulka
Dooxada Shabelle oo hormuud u ahaa howlgalka lagu soo saaray
meydadka ku aasnaa xabaalo wadareedka ayaa waxa ay sheegeen
in saacadaha soo socda ay usoo bandhigayaan dadka shacabka
ah iyo waliba Saxaafadd maydadkaasi, waana markii ugu horaysay
oo xabaal wadareed noocaani oo kale ah lagu arko magaalada
Baladweyne.
Xaruunta
Wararka Shaaficiyah
|