Ixtifaalkii Mowluudka
Nabiga SWC oo lagu qabtay Magaalooyinka Stockholm ee waddanka
Sweden iyo Magaalada Turku ee Waddanka Finland.
Mocallim Siciid
Iyadoo ay weli Ka socdaan dhammaan
Dunida islaamka ah gaar ahaan Waddamada yurub ee aanu ku
sugannahay Ixtifaaladii loogu dabbaaldagaayey Mowluudka
Nabigeena Naxariista badnaa ee Muxamed SWC
ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada
Stockholm ixtifaal si aad iyo aad ah loo soo Agaasimay Khamiistii
hore oo ku beegneyd 05/04/07
kaas oo ay ka soo qayb galeen Culimaa´udiin iyo Dadweyne
aad iyo aad u fara badan oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa
waxey culimadu halkaas ka soo jeediyeen Muxaadarooyin dhammaantood
ku wada saabsan Siiradii Rasuulka SWC iyo Asxaabtiisii Allaha
ka wada raali noqdee.
Waxaana
ka mid ahaa Culimadii halkaas ka hadashay :-
1- Sheekh
Maxamud Cabdi Sabriye ..........Xiriiriye
2- Mocallim
Siciid oo Aayadaha Quraanka ah ku Furay.
3- Sheekh
Maxamuud Guriceel
4- Sheekh
Xuseen Baardheere.
5- Dr.Sheekh
Daahir.
ka qayb galayaashii
Xafladda Stockholm
Sidoo kale waxaa ixtifaal kaas
la mid ah oo aan weligii la arag sida loo soo qabanqaabiyey
tan iyo intii aanu ku guda jirnay Ixtifaalada Mowluudka
Nabiga SWC uu ka dhacay Magaalada Turku ee Waddanka Finlad
Maalinimadii Sabtida oo ku beegneyd
07/04/07..
Sh. Guriceel iyo Sh. Xuseen Baardheere
Sh. Guuleed Xiriiriyaha
Sheekh Ugaas Cali Farax
Sh. Axmed Daahir
Cabdi Cai (Ashcari)
iyo Khaliil
Sh.Cabdullahi
Fahad iyo Kalkaaliyayaashiisii Xafladda
Waxaa Xusid iyo ku dayashaba
Mudan in aan laga seexan Habeenkaas Magaalada Turkuu ee
waddanka Finlad iyadoo aay indhahaagu qabanayeen Rag , Dumar
iyo weliba Carruur aad u fara badan oo ilaa uu waagu ka
caddaado soo jeeda kuna howlanaa u khidmeynta Culimada ,soo
dhaweynta Martida iska soo daba dhaceysa ee ka kala imaanaya
Magaalooyinka ay ka kooban yahay Waddanka Finland iyo Waddamada
la deriska ah .
Mar aan su´aal aan is
lahaa maba fahmi karto weydiiyey Gabar yar oo da,deeda aan
ku qiyaasay ilaa 8/jir oo aan is lahaa Af soomaaligaba ma
taqaan maadaama ay ku dhalatay Finland su´aashaas
oo aheyd adeer maxaa waqtigaan ku soo jeediyey oo aad u
seexan weyday waxey iigu jawaabtay Adeer caawa waa ciid
oo waa Bishii uu Nabigeenna Muxamed ah dhashay CSW sidaas
daraadeed Berri oo dhan ayaan seexan karaa .
Khaliil
Khaliil iyo
Sh.xuseen
Khaliil oo Kitaab
heysta lagana tarjumayo
Sidoo kale waxaa xusid Mudan
in uu halkaas ka hadlay ka dib markii laga Codsay in uu
kalmad ka yiraahdo Nin dhalashadiisu tahay Finlandes oo
Mowliidkii hore ku islaamay Isla meesha Xafladdaan lagu
qabanaayey Towxiidkana uu u qabtay Sheekh Guriceel Magaciiana
la yiraahdo Khaliil kaas Ummaddii halkaas isugu timid ka
wada ilmeysiiyey markii uu ka sheekeeyey Islaamnimada ka
hor wixii uu ku sugnaa iyo markii uu Islaamnimada qaatay
isbedelka weyn ee uu dareenmay taasina iyadoo Qoraal iyo
codba ah ayaan idiin soo gudbin doonnaa haddii allaha awoodda
lihi yiraahdo.
Sheekh
Axmadaani
Sheekh Axmadaani
iyo Sheekh Guriceel
U adeegayaasha Diinta ee Magaalada
Turkuu Finland
Waxaa isna Xafladdaas Kalmad
sharafeed ka soo jeediyey Madaxa Masaajidada Waddanka Finland
ahna Imaamka Masjidka weyn ee Magaalada Turkuu Sheekha Reer
Masar Sheekh Axmadaani, isagoo si kooban