Sidee looga Xusay
Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Baydhabo (Daawo
Sawiro)

Waxa guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya
manta si weyn looga xusay Maalinta 12 mowliid oo ku began
maalinta uu dhashay Nabi Muxamad C/S/W.
Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta waxa ka jiray Xaflado
waaweyn kuwaasi oo lagu weyneenaayo maalinta uu Dhashay
Rasuulkeena Muxamad (NNKH)
Magaalo Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo
ayeey aheey Xafladi ugu weyneed ee ka dhacday gobolka Bay
xafladihi kala gedisnaa ee munaasabada qiimaha leh ee Xuska
Nabi Muxamad C/S/W.
Culimada Ahlusunna waljamaac ee Magaalada
Baydhabo oo hogaaminaayo Macalin Xusen iyo Shiikh Shariif
iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ayaa ka wada qeyb
galay Xafladi ugu Balaarneed ee manta ka dhacday Degmada
baydhabo taas oo iskuugu soo baxeen Bulshada ku dhaqan Degmadaasi
sida Caadada u ah Umada soomaaliyeed gaar ahaan Dadka ku
dhaqan degmada Baydhabo oo had iyo jeer weyneeya Dhalshada
Nabigeena Muxamada NNKH.

Culimada Ahlusuna ee Baydhabo oo ufadhido Aqriska Kitaabka
Mowliidka
Culimada Ahlusuna ee Baydhabo oo ufadhido
Aqriska Kitaabka Mowliidka
Dhanka kale Guud ahaan Magaalada Baydhabo
ayaa manta waxa la dareemayay dhaq dhaqaaqyo saaid
ah kuwaasi oo dadka koox koox iyo shaqshaqi ay guryaha uga
dhigayeen isla markaana lagu aqrinaayay guryaha iyo masjidyada
Dikriyo iyo nabi amaano lagu sharfaayo qiimaha oo leeyahay
Nabigeena Muxamada
.
Si kasta oo ay ahaataba gabagabadii Xafladahani
ayaa barxada weyn ee Magaalada Baydhabo waxa muxaadarooyin
ruxay qalbiga kasoo qeyb galayaasha halkaa ka jeediyay qaar
ka mid Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Degmada Baydhabo oo
had iyo jeeraale utaagan Fidinta diinta Islaamka iyadoo
kasoo qebgalayaashi Munaasabadaan la faray in alle ka baqaan
umada Islaamka ahna Nabad galyo iyo Barwaaqo siiyo.

Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Magaalada
Baydhabo
Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac
ee Magaalada Baydhabo oo soo xaadiray aqriska mowliidka
Sidoo kale Halka ay ka dhacday Munaasabadaan
ayaa qasiiidooyin aad umacaan badan waxa ka aqriyay Qaadiga
Dikriga Uweysiyada ee kasoo jeeda Gobolka Bay Qaadi Armiiye
sheekh Abdulaahi oo runtii Cod Macaan badan ku qaaday dhamaan
nabi amaanadi ay inoo dajiyeen Culimada Ahlusuna Waljamaac
oo u horeeyo Shiikheena sheikh Aweys Dheere oo runtii Tusmo
iyo Tusaale kasta umaray sida uu dadka ufahamsiin lahaa
shareecada Islaamka manta lagu xasuusto Dadaalka oo usoo
galay fidinta diinta islaamka ee Geeska Afrka

Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Magaalada
Baydhabo oo soo xaadiray aqriska mowliidka
Waa bahda shabakada Warsheekh ee Gobolka
Bay gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo idin leh sanadkaan
Sanadkiisa Samo iyo siyaad iyo Nabad Barwaaqo iyo Maslaxo
Caam ah oo saameeso Dadka iyo Dalka Soomaaliya.
C/fataax Hanis
Baydhabo
Hanis777@hotmail.com
sh.hassan albisri.xalbisri2@hotmail.com