
Baabuuro Mikrifoono Lagu Xardhay oo Dadweyne dhinacyo Socdaan
Lagana Maqlayo Nabi Amaano lagu weyneenaayo Suubanaha NNKh,
Magaalada Boorame ee Maamulka Soomaliland
ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimha badan
ee Dhalashada Suubanaha (CSW), ee ku aadaneed 12 Bisha Mowliid
ee Sanadka Hijriyada.
Munaasabaadaan oo ah mid qiimo iyo qadarin
mudnaan uleh dhamaan Caalamu islaamka Gaar ahaan Dadyowga
Soomaaliyeed oo iyaga ah Bulsho boqolkiiba boqol Muslim
ah isla markaana ahlusuna ah had iyo jeerna Weyneeya Xuska
maalintaan Qiimaha iyo qadarinta ku leh Caalamu Islaamka
.

Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo
Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada
Boorame
Hadaba Barxada Weyn ee Kheyriyada Boorame
ayaa waxaa si aad ah usoo buuxiyay dadweyne fara badan oo
socod dheer kusoo maray dhamaan wadooyinka magaalada Boorame
kuwaasi oo ku dhawaaqayay nabi amaano lagu xusay Rasuulkeena
Muxamad CSW. Iyo Halkudhigyo lagu dhaliilayo dadka diidan
Sare u qaadita Maalinta uu dhashay Nabigeena Muxamad NNKH.

Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo
Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada
Boorame

Hadaba dadki kasoo qeyb galay Munaasabadaan
oo ka dhacday Fagaaraha weyn ee Kheyriyada Boorame ayaa
waxa halkaas wacdi iyo tusaale ku saabsan waxa ay shareecada
ka qabto maalintaan qiimaha leh iyo qeyrka laga helayo ayaa
waxa halkaasi qudbad kasoo jeediyay culimo dhowr ah oo ay
ka mid yihiin culimada ahlusuna wajamaaca ee borama Sh:
Xildhibaan M/Yasiin Sh cali Ayaanle, Sh Maxamed Macalin
Aadan Sh Maxamuud Xoog Badane, Sh C/raxmaan Cayniya Sh xasan
Macalin Sh Xasan Soobood Sayid maxamuud sayid sulaybaan
iyo culimo kale oo fara badan oo dhamaan ku dheeraaday fadliga
ay leedahay Maalintaan iyadoo gabagabadiina ugu duceeyay
dhamaan umada muslimka ah in dhibka ka kor qaado bidcadana
alaah kaqabto .

Qaar ka mid ah Muuqaalada Culimadi iyo Dadweynihi Kasoo
Qeybgalay Munaasibadaan Qiimaha leh ee ka dhacday Kheyriyada
Boorame
Gabagabadii Muxaadarada ayaa dadweynihi
kasoo qeyb galay socod kale ku maray dhamaan Xaafadaha Magaalada
ay ka koobtan tahay iyagoo ku hadaaqayay Nabiga diidow dilaac
dilaac maahee dacna dhec,
Hadaba bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskodoa
Magaalada Boorame oo idin leh Bishaaro Wanaagsan Bishaan
Mowliidka ah Fadligeedana Culeeska na haayo ha inogoa Kor
Qaado Aaamiin

Waa muuqaal ka mid Dadweynihi Socodka dheer ku maryay Wadooyinka
Magaalada oo si jadbeesan ugu luuqeynaayaan Nabi amaano
iyo halkudhigyo aad umacaan



W/D: Sh:Xamse Sh Cumar Good
065200548 telcom
Borame Somaliland
sh.xasan albisri.
e-mail xalbisri2@hotmail.com