Galkacyo
22/03/2008 Shaaficiyah.com

Xafladdaan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka,macallimiinta
iyo ardada dugsiygaasi ayna ka soo qayb galeen masuuliyiin
ka sirsan galmudug satate,culumo udiin, waalidiin,iyo dadweyne
aad u fara badan ayaa waxaa lagu soo bandhigay axaadiis
iyo faahfahainno la xariira taariikhdii,mucjisooyinkii iyo
wax qabadkii nabigeenna ALLAAH U hibeeyay.

Masuuliyiintii xafladdaasi ka hadashay ayaa
waxaa ka mid ahaa wasiirada Dowlad goboleedka Gal Mudug
ee Awqaafka iyo arrimaha diinta Axmed Maxamed Xaashi. Iyo
Dakhliga Siciid Xasan Cosoble. Iyo masuuliyiin kale oo ay
ka mid ahaayeen ku xigeenka gudoomiyaha gobolka ahna kusimaha
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee galmudug Aways Cali Siciid,GuddoomiyahaUrurka
Ardada GalMudug Siciid Xasan Cabdi iyo Awbaan Axmed Cismaan
Cilmi oo ku hadlayay magaca waaldiinta

Masuuliyiintaasi ayaa halkaasi waxa ay ka
soo jeediyeen qiimayta ay mudan tahay qabashada xuska dhalashada
nabigeenna iyo sida ajar badan loogaga helayo.iyagoo u mahad
celiyay qaybihii soo qaban qaabiyay xafladaas muhiimka ah
ee k adahcday dugsiga sare ee mudug MSS

Munaasbaddaasi oo ay goob joog ka ahaayeen
masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo
ee glamudug Xuseen Cabdulle Awcali, ayaa waxaa kaloo ka
hadlay Macallimiinta kala ah Macalin Cabdul Jaamac,Macallin
Sheekh doon Macalin Cali Macalimada faadumo oo iyana ka
mid ah maclimiinta wax ka dhigta dugsiga sare ee mudug MSS
oo muxaadro qiimo leh adyu halkaasi ka soo jeedisay dhaamntood
dadkii munaasabdda ka hadlay ayaa tibaaxay muhiimada xuska
nabigeena Muxamed SCW.ay uleeday bulshada islaamka ah loona
baahan yahay in suandiisa iyo dar daarankiisii la qaato.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas qiimaha lahayd
lagu soo bandhiagay ANAASHIID ay qaadayeen ardayda iskuulaaka
iyo dugsiyada galmudug satate

www.Shaaficiyah.com