|
Xuska
Dhalashada Nabigeennii suubanaa SCW ayaa waxaa lagu qabtay
magaalada KAMPALA Ee Dalka Uganda .

Sheekh Muxyadiin
Xasan Ayaanle
Munaasabad si heersare ah loo
soo agaasimay oo lagu waynaynayey dhalashadii nabigeennii
Muxamed ahaa NNKH ayaa waxa lagu qabtay Caasimada dalka Uganda
ee KAMPALA .
Xafladan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey
Culumaaudiinka ahlusunna waljamaaca eeku sugan dalka Uganda
, Gaar ahaan Magaalada kampala .

Munaasabada ayaa waxa ay ku
bilaabmatay ama lagu furay aayadaha Quraanka kariimka
ee qowlka eebe iyo Salliga Suubanaha SCW , Kadibana waxaa
Si tallan taali ah u bilaabmay Muxaadarooyinkii iyo Siiradii
Rasuulka SCW oo ay halkaasi ka soo jeedinayeen Culumo aad
u farabadan oo Soomaali iyo Ugandees
.
Sh. Muxyidiin Xasan Ayaanle
oo kamid ah Culumaa udiinka ahlusunna wal jamaaca ee caanka
ka ah soomaaliya ayaa halkaasi ka soo jeediyay muxaadarado
aad iyo aad u qiimo badan oo dhagaystayaashii iyo culumadii
iyo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen .

Culimo Ugaandhees
ah
Si kastaba ha ahaatee ,xafladaasi
oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay ayaa waxa ay ku soo
gabagabowday si aad u wanaagsan ,waxaana si wayn u soo qabanqaabiyay
Culumo iyo aqoonyahanno ahlusunna waljameeca ah oo ay kamid
ahaayeen .

Sheekh C/Qaadir Sunni
iyo Sheekh muxyadiin
-Dr . C/qaadir Macalim Ibraahim
* SUNNI*
-Sh.Ismaaciil Sh. Cali
-Sh.Maxmed Xasan Shir Doon
*SANADHEERE*
-Sh.Maxmed Macalim
-Sh.Xasan Aadan Cismaan*KABACLE*
-Sh.Mahad Caruush .
-Sh.Axmed xasan
-Sh.c/fataax maxamuud Guuleed
iyo culumaa u diin aad u fara badan oo aan halkan lagu soo
koobi karin.

Sheekh Ismaaciil
Sheekh Cali

Sheekh sandheere

Sheekh C/Qaadir Mocallim
Ibraahim (Sunni)
W/Q.
Axmed Mahdi Maxmed .Oo Web-ka shaaficiyah u jooga UGANDA -KAMPALA
|