Sidee looga Xuay
Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Muqdisho (Daawo
Sawiro)
Habeenimadi Xalay oo taariikhda Hihirga
ay ku beegneed 12 Bisha Mowliid oo ah Maalinta uu dhashay
Nabigeena Muxamad (CSW) ayaa Masjidyada iyo Guryaha waxa
lagu sameeyay Ixtifaalku ugu weynaa ee loogu dabaal dagayo
Dhalashada Nabigeena Muxamada (C/S/W) taasow lagu qabtay
Dhamaan Daafaha Caalamu Islaamka.

Habeenimadi Xalay oo taariikhda Hihirga ay ku beegneed 12
Bisha Mowliid oo ah Maalinta uu dhashay Nabigeena Muxamad
(CSW) ayaa Masjidyada iyo Guryaha waxa lagu sameeyay Ixtifaalku
ugu weynaa ee loogu dabaal dagayo Dhalashada Nabigeena Muxamada
(C/S/W) taasow lagu qabtay Dhamaan Daafaha Caalamu Islaamka.
12ka Bisha Mowliid oo ah Maalin ay ku weyntahay
Ruux walba oo Muslim ah ayna ku beegantahay Bilashada Xabiibkeeni
Muxamad ayaa waxa sida Caadada ah loo sameeyaa Maalintaan
Xaflado Diimeed looga sheekeenayo Nolosha Nabigeena Muxamada
(CSW) iyo Taariikhdiisa oo idil iyo sida uu ugu soo halgamay
Shareecada Islaamka .

Culimada Ahlusuna Waljamaac Oo Aqrineeso Kitaabka Mowliidka
Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo
Muxaadarada
Dhamaan Culimada Islaamka Gaar ahaan Culimada
Ahlusunna Waljamaac ee Soomaaliyeed ayaa Habeenada Nuucaan
oo kale ah waxa ay Dadka Soomaaliyeed wax badan uga sheekeeyaa
Siirada Nabigeena Muxamad iyagoo alla Bari iyo tusaalooyin
muujinayo Raadki Qurxaay ee nabi Muxamad u iftiimiyo dhamaan
Umada Soomaaliyeed si danbi dhaaf iyo samir eebe ugusiiyo.
Shabakada warsheekh oo habeeni xalay kala
qeyb qaaday shacabka Soomaaliyeed Munaasabadaan ayaa ukuur
gashay Xafladihi Waaweynaa ee xalay lagu soo bandhigay magaalada
Muqdisho kuwaasi oo qormo aan lagu soo koobi Karin aya hadanu
waxa ka qeyb galnay Xaflad ka dhacday Midka mid ah Masjiyada
Magaalada Muqdisho ugu Caansan ee lagu magacaabo (Shiikh
Seylic) ee Ku yaal xaafada Sanca ee Degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha oo Aaamiinsanayo Ducada
Culimada
Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo
Muxaadarada
Dhamaan Dadki kasoo Qeybgalay Munaasabadaan
ayaa waxa halkaasi Muxaadarooyin Qiimo leh halkaa uga soo
jeediyay Culimada Ahlusuna Waljamaac qaar ka mid ah sida
Sheekh Daud sheekh Maxamed Sheekh C/raxman ow Cumar
iyo Sheekh Abdulaahi Cali Fiidow iyo Culimo kale oo dhowr
ah kuwaasi oo ku fogaaday ka sheekeentay Siirada Nabigeena
Muxamad iyadoo dadki kasoo qeyb galay oo ay ka muuqatay
Qushuuc loogula dar daarmay in ay ku daydaan Nabigeeni Muxamad
runtii jid la raacana ay tahay kan uu maray kan ugu qeyrka
badan ee mudan in lagu daydo.
Dhanka kale Culimadi ayaa sidoo kale Caalamu
islaamka gaar ahaan soomaaliya waa ay Eebe uga baryeen in
uu danbi dhaaf iyo Barwaaqo siiyo iyo nabad qeyr qabta isla
markaana dhibka iyo abaarta oo ka qaado uguna badalo Maslaxa
Caam ah oo saameeso Dhamaan umada Islaamka Gaar ahaan kuwa
soomaaliyeed ee dhibaatada halakeesay.

Qaar ka mid Culimadi Kasoo qeybgashay oo dikriiyo Aqrinayo
Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo
Muxaadarada
Dhanka kale Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho
hadii ay ahaan leheed hooyooyinka iyo Dhalinyarada iyo dhamaan
bulshada soomaaliyeed ayaa marka lagaaro 12ka Bisha Mowliid
waxa ay isu abaabulaan Koox koox iyagoo Xaafadi waliba si
gaar ah loogu Xuso Dhalashada Nabi Muxamada C/S/W iyagoo
iyagoo marki danbena iskuugu soo aruuro barxadaha waa weyn
ee muqdisho halkaas oo Culimo Soomaaliyeed ay ugu soo jeediyaan
Muxaadarooyin Diini ah .

Kasoo qeybgalayaasha oo si qushuuc ku dhageesanayo Muxaadarada
Hadaba Bahda Shabakada Warsheekh waxa umada
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba Alle uga baryeesaa
in Danbi dhaaf iyo Maslaxa Caam ah ku siiyo Munaasabadaan
qiimaha leh iyadoo isuna xil saari doono sida aan kusoo
baahin leheen dhamaan Gobolada Dalka sida looga Xusay Munaasabadaan
qiimaha leh
Hamoogaan Mar waliba shabakada warsheekh
oo ah hoyga Afkaarta Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Soomaaliyeed
sh.hassan albasri.
xalbisri2@hotmail.com