|

Tartan
lagu tartamaayo Qura,aanka Kariimka ah iyo Siirada Rasuulka
SWC oo lagu qabanayo Tenista Träff ee Magaalada Stockholm.

Mu,asasada
Barashada Diinta Islaamka ee Shaaficiyah ee Waddankan Sweden
waxey Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan
Magaalada Stockholm la socodsiinayaa amaba ogeysiinayaan in
ay Mu,asasadu qabaneyso Tartan lagu tartamaayo Akhrinta Qura,aanka
Kariimka ah iyo Siirada Rasuulka SWC taasoo lagu weyneynaayo
Dhalasha Rasuulka SWC.
Haddaba Tartankaas
oo ay Ku wada Tartami Doonaan 4/Dugsi Qura,aan oo hoos yimaada
Mu,asasada Shaaficiyah waxaa lagu qaban doonaa Lokalka Tenista
Träff Maalinta Khamiista ah oo ay Taariikhdu tahay 27/03/2007,
iyada oo uu tartankuna billaaban doono Saacaddu Markeey tahay
13:00 Duhurnimo
lana soo gebagebeyn
doono 16:00 Galabnimo haddii uu ilah idmo..
Sidoo kale
waxaa jiri doono Muxaadarooyin Gaagaaban oo ku saabsan siirada
Rasuulka oo ay noo soo jeedin doonaan Qaar Culimada ka mid
ah .
sidaas iyo
ka soo qayb gal wanaagsan.
Wa
billaahi Towfiiq
Mu,asada
Barashada Diinta Islaamka ee Shaaficiyah
Stockholm
Sweden
www.shaaficiyah.com
|