Gaalkacyo: Munaasabado
lagu waynayo maalinta dhalashada Nabiga NNKH oo ka dhacaya
magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta
waxaa ka dhacay banaan bax qayb ka ah u dabaal daga maalinyta
dhalashada Nabigeenna Suban SCW oo ka dhacaysa qayb badan
oo dunida ka mid ah.
Cilumada ahlusunna Wal jamaaca ayaa waxa ay maanta dibadbax
ballaaran ka dhigeen magaalada Gaalkacyo, iyada oo ay socod
ku soo mareen qaar badan oo ka mid ah xaafadaha iyo wadooyinka
magaalada Gaalkacyo.

Dibadbaxaasi ayaa waxa ka qayb qaatay qaar badan oo ka mid
ah bulshada ku dhaqan gobollka Mudug, oo baryahaanba soo
wada u diyaar garoowga xuska dhalashada Nabigeenna Suuban
NNKH.
Markii uu soo dhamaday dibadbaxaasi ayaa waxa kulan lagu
qabtay Barxadda wayn ee Quraca ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo
ay hadallo wacdi, waano iyo alla bari isugu jira ka jeediyay
qaar ka mid ah culimaa`udiinka Ahlu sunna wal Jamaaca ee
magaalada Gaalkacyo kusugan.

Qaybo ka mid ah Culimada Alhusunna waljamaaca ee magaalada
Gaalkacyo ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana ay dadwaynaha
ugu baaqeen in ay is cafiyaan oo si niyad sami ah uga qayb
qaataan xuska dhalashada Nabiga.
Sidoo kale waxa ay Culimadu halkaasi ka jeediyeen Alla bariyo
ku aadan in uu ilaahay ummadda Soomaaliyeed ka dulqaado
dhibaatada abaareed ee haysata xilligaan iyo in uu ilaahay
Nabad ka dhigo guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Culimada ayaa sidoo kale waxa ay dawladda Soomaaliya u rajeeyeen
in ay guulaysato oo ay noqoto mid dalka oo dhan ku baahda
oo diinta islaamka dadka ku maamusha.
Ugu danbayntii dibadbaxii maanta ayaa waxa ay ku so dhameeyeen
baaq ku aadan in ay dadku isku kaalmaystaan Kharka sida
uu ilaahay faray oo wixii wanaag ah ay ka wada qayb qaataan.
Arrintani ayaa waxa ay qayb ka tahay dabaal dagyo lagu soo
dhoweynayo maalinta dhalashada Nabigeenna Suuban CSW oo
sida Raajaxa ah ku aadan 12ka bisha Rabiicul Awal oo ku
aadan 20ka bishan oo ah maalinta Birrito.

Waxaa la rajaynayaa in guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya
oo qayb ka ah wadamo badan oo Islaam ah oo laga xusayo maalintaasi
in ay ka dhacaan munaasabado diimeed lagu waynayo maalinta
dhalashada Nabigeenna Suuban CSW.

Waxaa xusid Mudan in sanadkani munaasabad ku aadan maalintaasi
ay ka dhacayso wadanka UGANDA oo ay ku sugan yihiin qaar
ka mid ah madaxda Islaamka oo ka qayb qaadana Furitaanka
Masjid wayn oo uu halkaasi ka dhisay hogaamiyaha jamhuuriyadda
Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi oo furitaankeeda ku aaddiyay
maalinta dhalashada Nabiga.
Mahad Jama Koronto
Gaalkacyo
____________________________________________________
Mahad jamac
koronto
252-544-5255
Radio Galkacyo+AllPuntland
Galkayo Puntland somalia