Munaasabad lagu
maamuusayo Dhalashadii Rasuulka (NHKH) oo lagu qabtay Caasimada
Dalka Kenya ee Nairobi
Nairobi, Jimco
March 21 2008 SMC

Munasaabadaan sida wayn loo soo agaaasimay
ayaa waxay ka dhacday xaafada islii ee magaalada Nairobi
ee ay soomaalidu degto iyadoona ay ku bilaabtay banaan bax
lagu muujinayay waynta jecaylka Rasuulka iyadoona ay ka
qayb qaateen boqolaal muslim, markii ay muslimiintu tukadeen
saladii casar ayaa waxay ka soo kala bilaabeen masaajida
kala ah 12 Street iyo 3 Street iyo Al Xaq socodkaan lagu
muujinayay maxabada rasuulka iyadoona markii danbe ku soo
gaba gabeeyay socodkaan Xarunta Cheifka ee Xaafada islii,dhabarkiisa
danbe gaar ahaana.

Ka dib markii ay soo dhamaystirmeen dadkii
munaasabadan ka qayb qaadanayay ayaa waxaa bilowday munaaasabada
oo ku bilaabtay dar dar diimeed iyadoo lagu bilaabay aayadaha
quraanka kariimka ah,ka dibna waxaa,saliga Nabiga halkaasi
ka bilaabay muslimiintii isugu soo baxay oo isugu jiray
dhinacyada kala kadisan ee bulshada,Culumo, Odayaal, hooyooyin,
iyo waliba dhalinyaro dumar iyo ragba isugu jira oo ay wajiyadodoa
ka muuqatay farxad wayn.

Waxaa bilowday intaasi ka dib Muxaadarooyinkii
loogu tala galay in lagu maamuuso maalinta dhalashada Rasuulka
oo ku beegan 12 Rabiicul awal,waxaa hadal aad u qiiro badan
ka soo jeediyay Shiekh Shariif Siyaad isaguuna ku nuux nuuxdaday
muhiimada ay lee dahay in ay muslimiintu u dabaal dagaan
maalinta dhalshada Rasuulkeena Suuban naxariis iyo nabad
galyo kor kiisa Eebe ha yeelee.
Culamadii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa
waxaa ka mid ahaa Sheikh Cabdulqaadir Xaashi oo isaguna
ka mid ahaa culumada Ahlu suna wal jamaaha oo si kulul u
weeraray dadka uu sheegay in ay ka soo hor jeedaan in loo
dabaal dego munaasabada dhalashada Rasuulka.
Intaasi ka dib ayaa waxaa khubad dheer halkaasi
ka soo jeediyay Shiekh Xasan Axmed Aw Cali ku saabsanayd
Siiradii Nabiga iyo waliba mucjisooyiinkii Rasuulki la yimid
oo uu quraanku kow ka yahay iyadoona ay dadkii oo dhan mar
un qor ah wajiyadooda ku dhalisay khushuuc iyo waliba waynta
ay u hayaan Suubanaha NHKH.

Ugu danbaytii Munaasabada ayaa ku soo gaba
gaboobday jawi raxmadeed ka dib markii Cirka roob lagu diirsaday,
waxaana shir jaraaid saxafada u qabtay Shiekh Cabdirixmaan
Mirre Jimcaale oo ka mid ah culumada Ahlu suna wal jamaa'ah
waxaana uu ugu hanbleeyay dhamaam muslimiinta munaasabada
maalinta wayn ee dhalshada Rasuulka SCW,dhana kale waxaa
uu ka hadlay dacaayada ka dhanka ah Nabiga ee ay saxaafada
Dalka Denmark soo daabacday waxaana uu ugu baaqay dhamaan
muslimiinta iyo hogaamiyaashoda in ay xirirka dublumaasiyadeed
u jaran dalka Denmark.

Hadalkiisa ayaa waxaa uu ku soo afmeeray
Shiekh Cabdirixmaan Mirre Jimcaale, baaq uu u jeediyay umada
Soomaaliyeed isagoona ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan
wax kasta oo khilaaf dhexdooda ah isgagoona ka codsaday
in dhinacyada is haya ay miiska korkiisa ku dhamaystaan
wax ksta oo ay isku hayaan.
sh.hassan albasri .xalbisri2@hotmail.com
www.shaaficiyah.com