SideeLoogu Xusay
Dhalashada Nabigeena Muxamad (SCW) Dalka k/Africa. (Daawo
Sawiro)

Magaalada cape town ee dalka k/africa ayaa
waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimaha iyo qaayaha
badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), munaasabadaan oo si
weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xaafada belveille
ee magaalada cape town ee soomalida si weyn u degto.
Magaalada cape town ee dalka k/africa ayaa waxa si aad ah
loogu xusay Munaasabada Qiimaha iyo qaayaha badan ee Dhalashada
Suubanaha (CSW), munaasabadaan oo si weyn loo soo agaasimay
ayaa waxa ay ka dhacday xaafada belveille ee magaalada cape
town ee soomalida si weyn u degto.

Munaasabaadaan oo ah mid qiimo iyo qadarin mudnaan ku leh
dhamaan Caalamka islaamka Gaar ahaan Dadyowga Soomaaliyeed
oo iyaga ah Bulsho boqolkiiba boqol Muslim ah isla markaana
ahlu suna ah had iyo jeerna Weyneeya Xuska maalintaan Qiimaha
iyo qadarinta ku leh Caalamu Islaamka ahna maalin aan la
ilaawi karin oo qof walba oo muslim ah ay ku weyn tahay
ayaa sida ay caadada u aheed umada islaamka lagu bilaabay
aayadaha quraanka kariimka ka dibna lagu xijiyay saliga
nabiga oo halkaan ka jeedinayeen dhamaan ka soo qeyb galayaasha
xafladaan.

xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb gashay culumaa,udiin ka
kala socota caalamka daafahiisa kala duwan ayaa waxaa xafladaan
furay mid ka mid ah culumada ugu caansan dalkani shiikh
cabdi rashiid caafi oo isaga halkaas ka jeediyay muxaadaro
qiimo leh oo qushuucisay dhamaan kasoo qeyb galayaasha.
sidoo kale waxaa halkaas ka jeediyay siirada nabiga shiikh
Husein abasi oo ka socda (Alnuur islamic ) una dhashay masar
ayaa ku fogaaday qiimaha ay leedahay weyneenta dhalashada
nabeegana muxamad (scw) wuxuuna sido kale u duceeyay dhamaan
umada muslimiinta ah gaar ahaan soomalida oo ku dhibaata
ka taagan dalkeeda wuxuuna sheega in ay somalida ay yihiin
dad wanaagsan (axsan people).

sidoo kale waxaa muxaadarooyin qiima badan ka soo jeediyay
halkaas wadaadadan kala ah shiikh yuusuf jiirow,shiikh suubiye,shiikh
maxamed gar yar, shiikh nuura diin, shiikh xasan sheekh
yuusuf iyo shiikh cabdi rahin oo ka socda ajansiga (MJC)
una dashay dalkani k/africa.

waxaa sidoo kale ka hadlay xaflaadn xaaji
suulay oo isaga ka mid ahaa dadkii qaba qaabada xafladaan
ayaa u mahad celiyay dhamaan culumada ka soo qeyb gashay
iyo dadweynihii ka soo qeyb galay sidoo kale waxa uu si
aad ah ugu mahad celiyay shiikh cabdi raxmaan sagaaro oo
ahaa mas,uulkii kugu fir fircoonaa qaba qaabada xafladan
qiimaha badan xaaji suulay ayaa sidoo kale u duceeyay umada
soomaliyed meel kasta ay joogaan gaar ahaan somalida ku
dhaqan muqdisho in uu eebe danbi dhaaf iyo barwaaqo siiyo
iyo nabad qeyr qabta isla markaana dhibka iyo abaarta ka
qaado ugana badala maslaxa caam ah.

Hadaba bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda
dalkani koofur africa oo idin leh Bishaaro Wanaagsan Bishaan
Mowliidka ah Fadligeedana Culeeska na haayo ha inoga Kor
Qaado Aaamiin Aamiin Aamiin



W/D Maxamed Deeq Muse (Deeq Darajo)
beenebeene@hotmail.com
Cape Town South Afrika
sh.hassan albisri.
e-mail
xalbisri2@hotmail.com
www.albisri.4t.com