Siyaaradi
Qudubkii Sheekh C/raxman Suufi oo Shalay Lasoo
Gabagabeyay (Daawo Sawiro) { 07 Mar 2008}
waxaa la daabacay Fri 07 Mar 2008
04: 52: 21
Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka
Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed
Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxman Suufi
Almaqdishioo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).
Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka
Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed
Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxman Suufi
Almaqdishioo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).
Dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzania, S/afrika,
Suudaan, UK, Sweden,Norway, USA, iyo wadamo kale oo dhowr
ah ayaa waxa shalay ka dhacay Ixtifaalooyin aad uwaaweyn
kuwaas oo lagu qadarinayo Xuska Sheekheena Sheekh C/raxman
Suufi iyadoo midka ugu balaarnaa ka dhacay Xarunta Sheekha
ee Magaalada Muqdisho .
i"

Midig: Sh: Abashan Sh: C/man SH:
Max'ed Sh: Suufi oo ah sheekha walaayada reer sheekh suufi
hayo iyo Sheekh Sh: Suufi Sh: Cade
SH: iiker Sh: Max'ed SHeekh Suuf
oo isna ah sheekha Haayo Qidmada reer Sheekh Sufi

midig: Shariif Badaa Qalifa, Dhaxda
:Sh; Axmed Qudubka Qadariya,Bidix Sheekh SUufi Sheekh Cade
Xarun Diimeedka Sheekha ee Magaalada Muqdisho
ayaa shalay waxa lagu dhigay Banaanbixi Ugu balaarnaa ee
ka dhaca Magaalada Muqdisho,iyadoo dhamaan Ahlu Dariiqa
oo dhana ay kasoo qeybgashay iyadoo la oogay Qeybooyin Dikri
ah iyo Muxaadarooyin aad uqiimo Badnaa.
Qaadiriya,(Uweysiya,Seyliciya,) Axmadiya,
Rufaaciya, ayaa maalinimadi shalay si aad ah usoo camiray
Banaanka hore ee Masjidka Sheekh Suufi ee Magaalada Muqdisho
Iyadoo ay ka muuqato Qiirooyinaka turjumaayo Xadaarada Fog
ee Culumaau Suufiyah ee Soomaaliyeed.

Sheekh Abba iyo Sheekh Xusen sh:
Max'ed Faqa Yuusuf oo uduceynayo Jameecadi Reer sheekh C/raxman
ow Cumar ee kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi

Sheekh Axmed Sh: Aweys iyo Sheekh
Abba oo isla Taagan

Sheekh Diini Sh: Muxidiin Sh:Abukar
Sh: Muxidiin Macalin Mukaram
Ixtifaalka Sheekha loo sameeyo
Sanadiiba Mar ayaa waxa uu ka mid yahay Ixtifaalada ugu
waa weyn ee ka dhaca Caalamu Islaamka iyadoo dhanka kalena
aheyd maalinimadi Shalay Dhowlo Tus Balaaran oo ay ku muujinayan
Ahludariiqa iyo Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga foojigan
yihiin Qolooyinka Bidcada ah ee la dirira qeyraadka iyo
Ducooyinka Maqbuulada ah ee laga helo Goobaha lagu xuso
Owliyada ilaahey iyagoo kala dirira in ay haleelaan Shacabka
Muslimka ah Saacatu Ijaabada.
Qudubka Dariiqada Qaadiriyada
Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh
Aweys al Qaadiri) aya Ijaasada Dariiqada Qaadiriya halkaas
ku bixiyay, Sheekha ayaa dhanka kale Caalamu islaamka iyo
Gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed alle uga baryay in uu danbi
Dhaaf ku siiyo Fadliga Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi
Al Maqdishi oo aan taaganahay Banaanbixiisa ayoo shiikha
ku cel celiyay.

Midig : Sh: Da'ud Sh: Maxmed Sh:
Cabdi iyo Sh: Ismacil Cali cumar

Sheekh Axmed ,Shariif Badaa Qaliifa,
Shiikh Fadhiyo waa Xaaji Cabaas Sh: max'ed Faqa Yuusuf iyo
Qaar ka mid ah jameecada sheekha

Sh: Cumar Sh: max'ed iyo Macalin
Cabdulahi Mohamud iyo Jameecadi reer sheekh Cabdi oo ku
wajahan Qabriga Sheekh suufi
Sheekha Abba oo isagana ka mid ahaa Culimada
Waa weyn ee Ahlusuna Waljamaac Gaar ahaana ah Faraca Sheekh
Suufi ayaa isagana dhamaan Kasoo qeybgalayaasha Siyaarada
kula dar daarmay in la qabsado Xariga Ilaahey isla markaana
lagu daydo Raadki Nabigeena Muxamad C/S/W. iyo nidaamka
ay inoo jeediyeen Mashaiqda Soomaaliyeed gaar ahaan
Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi oo manta la joogo Xuskiisa
ayuu sii raaciyay Sheekh Abba .
Shariif Badaa Qaliifa oo ka mid ahaa Asharaafti
shalay kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekha isla markaana
eh Faraca shariif Calawi ayaa isagana si aad ah ugu duceeyay
Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in ay tahay Madaxa umada
soomaaliyeed isla markaana aad ugu cel celiyay shariifka
in alle oo ka dhigo Magaalo Nabadeed Bijaahi Musdafa ayuu
shariifka ku cel celiyay isagoo dhanka kalena alle ka baryay
in bidcada iyo inta xun ka qabto Umada Soomaaliyeed iyo
guud ahaan Caalamu Islaamka, Islaamkana Towfiiq Caam ah
alle siiyo.


Qaar ka mid ah xelqooyinki Dikriga
ee Banaanbaxa sh: Suufi
Qaar ka mid ah Jameecooyinka Ahlu Qeyrkaa ah ee Dikirinayay

Jameecadi Axmadiyada ee oogtay
Xelqadi Dikirga Axmadiyada
Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Maxed
Sheekh Suufi oo ah Sheekha Wilaayada Sheekh Suufi haayo,
iyo Suufi Sheekh Cade Sheekh Iiker Sheekh Maxed Sheekh
Suufi oo isna ah Sheekha haayo Qidmada Reer sheekh Suufi
ayaa sidoo kale ducooyin qaas ah uduceeyay dhamaan Jameecooyinki
Soo camiray Siyaarada Shiikhooda Sheekh C/raxman Suufi
Sidoo kale Ayaa waxa siyaarada kasoo qeyb
galay Wafdi balaaran oo horkacaya Agaasimaha Wasaarada Arimaha
diinta iyo OWqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Sheekh
Ali Sheekh Maxamud SHeekh Cali dheere, Sheekh
Cali Dheere ayaa si aad ah uga hadlay Qiimaha ay leedahay
Munaasibooyinka Nuucaan oo kale isagoo soo qaatay mid ka
mid ah Karaamooyinka sheekh iyo Xiligi Gumeestaha.

Qaar ka mid ah Ahlukheryki kasoo
qeybgalay Siyaarada Sheekha

Jameecadi Dariiqada Rufaaciyada
oo iyana oogtay xelqadii Dikriga
Qisadaan oo ka mid ah karaamaadka Sheekha
C/raxman Suufi ayaa dhacday Xiligi Gumeestaha iyadoo Gumeestihi
Talyaaniga dadka Muqdisho weydiiyay Cida hogaamiso Culimada
Diinta Islaamka iyagoo dadki usheegeen In sheekh C/raxman
suufi Yahay sheekha Hogaamiyo Culimada Soomaaliyeed, Taliyihi
Gumeestaha ayaa dalbaday in uu mushaaraad uqoraayo Sheekha
isla markaana rabo in uu tago Xafiiska Gumeestaha.
Sheekh C/raxman Suufi raali alah Ka noqdee
oo can ku ahaa la dagaalanka Munkarka oo ugu weynaa Naceybka
oo qabay Gaaladi kusoo duushay Dalkeena oo gumeestaha Talyaaniga
ah uhoreeyay ayaa si aad ah isaga fogeeyay in mushaaraad
oo ka qaato amaba la kulmo Gaalada iyadoo marki danbe taliyihi
Talyaaniga yiri aniga ayaa utagaayo oo taana ay muujineeso
sida karaamada iyo mucjisooyinka sheekha,

Dikriga Seyliciyada iyo Jameecadi
Reer Sheekh Cabdi ow Cumar

Rag dhalin yaro ah oo ay ka muuqato
Xadaarada Islaamka oo Dikrinayo
Taliyihi ayaa booqday Guriga Sheekha iyadoo
loo sheegay in sheekha uusan joogin una rawaxay dhanka Masjidka
loo yaqaano Jaamacada ee Qadiimiga ah ee ilaa iyo hada ku
yaalo Degmada Xamarweyne. Galaaki Marka uu tagay Masjidka
ayuu kobaha iska siibay isagoo gudaha ugalay masjidka si
uu ula kulmo sheekha ,
Taliyaha Masjidka ayuu ka baadi goobay isagoo
xataa hurgufay ama qaad qaaday dhamaan dhabihi masjidka
si shiikha oo u arko balse sheekha oo masjidka ku dhax jiro
hadana uu arki waayay taana ay ka mid aheyd mucjisooyinki
banaanka yiilay ee sheekheena sheekh c/raxman suufi ayuu
sii raaciyay sheekh Cali dheere agaasimaha Wasaarada Diinta
iyo Owqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xelqada Uweysiyada oo eheed Xelqadi
Ugu weyneed Xelqoyinka Dikriga

Muuqaalka Hore ee Masjida Sheekh
C/raxman Sh: C/lahi (Sheekh Suufi)
Qormo kaliya laguma soo koobi karo dhamaan
Culimadi ka hadashay Banaan Baxa Sheekha iyadoo shalayna
Magaalada Muqdisho aysan kusoo harin Sheekh Mudaris iyo
talaamiidiisa .
Hadaba Shabakada Warsheekh oo markasta jecel
in ay idinka haqabtirto soo gudbinta Ixtifaalooyinka ka
dhaca Caalamka ee lagu weyneenaayo Owliyada Ilaahey ayaa
hadana wax in badan jecelnahay in aan idin soo bandhigno
sheekh waliba iyo sooyaalkiisa diinta Islaamka iyadoo aan
rajeyneeno in tusaalooyin iyo waano ay u ahaan doonto dhamaan
umada Soomaaiyeed ayna ku daya doonaan Taariikhda Ifeeso
ee Culimadeena Soomaaliya iyo sida ay ugu soo dadaaleen
in umadaani noqoto Umad Boqolkiiba Boqol Muslim ah isla
markaana Hal Madhab iyo hal Caqiido heesata .
W/D: C/raxman Sheekh C/llaahi
E-Mail: Farxad95@hotmail.com
Mob: +2521-5-595957
Moqdisho Somaliya
Sawir Qaade
Maxamud Sh: Axmed Yare
E-mail: maxamudey@hotmail.com
Mob: +25215+849768
Mogadisho Somaliya
Warsheekh Official News Resources
Office In Mogadishu
Wixii Fakir Ah Noogu Soo Dir
Webmaster@warsheekh.com
sh.hassan albsri
e-mail xalbisri2@hotmail.com
www.Shaaficiyah.com