|
Siyaarooyinka
Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh
C/raxman oo lagu soo gunaanaday dhamaan Daafaha Caalamka
Mogadishu Sabti, Febrayo 02 2008 SMC
 |
WARSHIIKH, SOMALIA x 14/12/1428h-24/12/2007.
Taariikhda kor ku xusan ayaa waxa ay tahay mid fac weyn isla
markaan ruux waliba oo ay ku dheer tahay xadaarada diinka
islaamka gaar ahaan Soomaaliya waxa durba oo xasuusanayaa
xiliyadaani in ay tahay Siyaaraadka qaar ka mid ah Culimada
Ahlu Suna Waljamaac gaar ahaan Daruuqa Suufiyah.
Sanadkiiba Mar ayaa xiligaan oo kale waxa ka dhaca Guud ahaan
daafaha Caalamka Gaar ahaan Dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay
Xaflada Lagu qabto Degmada Xeebta ah ee Warsheekh oo qiyaarti
65K/m ujirta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, SIyaaraadka
Mashaiqda Soomaaliyeed ee Ahlu Suna Waljamaaca Sheekh
C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo wiliga uu
dhalay Sheekh C/raxaman ee Sheekh Maxumud Sheekh C/raxman
Sheekh Cumar.
Mudada ay socoto Siyaaraadka Mashaiqda oo ah mudo bil
ah ayaa waxa halkaa lagu soo bandhigaa Quraan Aqris
iyo Tawasalka Owliyada Ilaahey taa oo Dadka iyo dalka Soomaaliya
guud ahaan Caalamu Islaamka eebe loogu baryo in danbi dhaaf
ku siiyo meel kasto oo ay joogaan isla markaana quluubtooda
isu soo dumo .
Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman oo ah Saxibul Waqtiga xiligaan
jooga Booski uu Baneeyay Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee
ah Maqaamki Sheekheena Weyn Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar,
ayaa waxa uu duco iyo tusaaleen ujeediyay dhamaan Dadweynihi
kazoo qeybgalay Siyaaradaan oo dhamaa cel celis 20.000 oo
qofood isla markaana alle ka dalbaday in danbi dhaaf ku siiyo
dalka masiibada ku habsatay ee soomaaliya isagoo hoosta ka
xariiqay in waxa dhacayo ay yihiin wixi aan kasabanay oo alle
nagu abaal mariyay isla markaana alle ka tuugay in intaa noogu
hakiyo isla markaana noogu badalo maslaxo caam ah oo dalka
iyo dadka oo dhan saameeso.
Dhanka kale Naaibul Caamka Dariiqada Qaadariyah Sheekh
Maxamed Xasan, Sheekheena Sheekh Axmed Sheekh Sheekh Maxamed
(Gabale), Xaaji Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf, Shariifkeena
Badaa Qaliifa oo ah Faraca Shariif Calawi, iyo dhamaan mashaiqda
kasoo qeybgashay oo aan halkaan lagu soo koobi Karin ayaa
si guud danbi dhaaf alle uga bariday in uu siiyo Muslimiinta
caalamka meel kasto oo ay joogaan gaar ahaan dadka soomaaliyeed
oo iyaga ah mida sida aadka ah umurjisay isla markaana hor
seeday in kumanaan Dad ah ay ku baabaayn dagaalada dhaxdooda
ah halka kuwa kale ay ku ledaan badaha iyagoo qaarna
ay magan galyo ku joogaan dalal shisheeye oo reer galbeed
ah halka kuwa kale baahi iyo macluul iyo Xarig ku heesato
qaar ka mid ah Xabsiyada Aduunka gaar ahaan Dalalka Deriska
ah iyadoo caasimadiina tahay meel nafta lagu aamini Karin
ayoo markale shariif badaa qaliifa Alle uga baryay iyo
Rasuulkiisa in gar gaar deg deg ah siiyaan dadka soomaaliyeed
iyo guud ahaan caalamu islaamka.
Sheekh Axmed Gabale ayaa sidoo kale Umada faray in ay isasaamaxaan
si looga baxo masiibada ku habsatay dalka Soomaaliya taa oo
ku macneeyay in ay farahooda ku kasbadeen isla markaan isagoo
hadlaayo yiri " Maxalka Maxalu Qabuul waaye, Waqtigana
Waqti Qabuul Waaye , Anagana Ahlu Qabuul Allaah Naga Dhigo
taa oo dadkii Dhamaa Sacbaha Wada hoorsadeen iyagoo leh Aaaaamiiiin."
Waxa sidoo kale wacdi iyo Ijaasada Dariiqada Qaadiriya ka
bixiyay Qudubka Dariiqada Qaadiriya Soomaaliya Asayid Sheekh
Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyiidin Sheekh Aweys Axmed Alqaadiriyi
isagoo sidoo kale duca qaas ah uduceeyay Arlu Soomaal in ilaahey
ka dhig Mid Amaan ah isagoo dhanka kale ahlu dariiqa oo dhana
Eebe ka baryay in kor ka dhigo .
Waxa gabagabadii Dhafarka Siyaaraadka Mashaiqda Fasax
caam ah dadka Siiyay Saxibul Waqtiga Reer Sh: C/raxman Ow
Cumar isagoo cid walibana faray wixi muraad ah oo ay leheed
in Alle uga baryeeynaa in uu aqblo Owliyada Ilahey fadligooda
qaasatan sheekheena SH: C/raxman ow Cumar ayoo sii raaciyay
sheikh Qaasim Sheekh Cabdi.
Xarun diimeedkaan Warsheekh ayaa waxa uu yahay mid ku Fac
weyn Fidinta Diinka Islaamka iyadoo Ay talaamidia kazoo hana
qaaday xarumahan ay Mudarasiin ka yihiin Daafaha Caalamka
iyagoo si weyna loogu xushmeeyo Culuumta Kala gedisan ee Diinta
Islaamka isla markaana ay soo wada xaadiraan kulamada Nuucaan
oo kale ah
Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa
waxa ka mid ahaa:
1 SH: AX'ED SH: MAX'ED XASAN (GABALE)
2 SH: AX'ED SH: AWEYS SH: MUXIDIN SH: AWEYS ALQAADIRI (SAAXIBUL
SIJAAJATUL QAADIRIYA )
3 SHEEKH MAXAMED XASAN (NAIBUL CAAMKA DARIIQA QADARIYAH)
4 XAAJI XUSEEN SHEEKH MAXAMED (FAQA YUUSUF)
5 ASAYID SHARIIF BADAA QALIIFA
6 SH: C/MAN SH: CADE SH: IKER SH: MAX'ED SH: SUUFI
7 SHARIIF C/RAXMAN ALMARKIYI
8 SH: MAX'UD CALI (WACEYS)
9 SH: AXMED BARRE
10 SH: MUUSE MARACADE
11 SHARIF AXMED SHARIIF ABA NUUR
12 REER SHIIKH AXMED XAAJI CABDI
13 REER SHEEKH CALI CILMI YARE
14 REER SHIIKHAAL LOOBOGE iyo Masha'iq kale oo fara badan
oo inta aan lagu soo koobi karin iyada oo qaban qaabada siyaarada
lahaayeen dhamaan (Owlaada Reer Shiikh C/raxman Sh Cumar Al
Celiyi Alqaadiri Al Warshiishiikhiyi)

xalbisri2@hotmail.com
www.shaaficiyah.com
Göteborg Sweden
|