BBC 11:00 AM
BBC 14:00 AM
BBC 18:00 PM


» Albisri.4t.com

» AllPuntland
» Allsomali.com
»
Arlaadi Online
»
Arlaadinet 
» Afgoi.com
» Ahlusunna.org
» Amin Art
» Bakaaraha
»
Barawapost

» Banaadiri

» Baafin.com

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» Nuurudiin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warshiikh


Col ku Dil oo Tuugo kuu Ciidamisay

 

Soomaalidu waxeey ku maahmaahdaa Nin Adduunyo joogoow Maxaa aragti kuu laaban Reer Xamarna waxeey yiraahdeen Cimrigaa raaga geel dhalaa waa ku tusaa , waxaan uga dan leeyahay anigoo soo goobaya Ujeeddada Maqaalkeyga Gaaban Horta Soomaalidu si dhab ah ma u og yihiin dhibaatada ku habsatay ee had iyo jeer soo noq noqota halka ay salka ku heyso? Jwaabtu waa maya marka xaqiiqda loo hadlo.

Soomaalidu waa Ummad Muslim ah 100% Madhabtooduna tahay Shaaficiyah, waxaana intaas u weheliya in ay yihiin dad isku dhaqan ah , isku Luqad ah Culimana u ahaayeen Culimada Ahlusunna waljamaaca Duruqu Suufiyah , Culimadaas oo ah Culimada Sabab u noqotay in ay Soomaaliya ugu horeyso Waddamada la yiraahdo 100% waa Muslim Sababna ilaaheey uga dhigay Culumada Ahlusunna waljamaaca taas oo Carab badan ka careysiisay ama ka Maseersiisay Ilaaheey baana ku Mahadsan sidoo kalena Soomaalida koodii dhashaa wuxuu ku dhalan jiray Khudbadooda , kii wax bartana iyagaa Macalimkooda ahaa wax walba oo xagga diinta ahna iyaga ayaa looga dambeeyey laguna ciseyn jiray.

Dagaallo Qabiilada u dhexeeya waa ay dhici jireen waxaase si sahlan ku xallin jiray iyadoo labada dhinacba ku wada kalsoon yihiin Culimada Ahlusunna waljamaaca Duruqu Suufiyah.

 

Dhulku wuxuu ahaa Barwaaqo Ummadduna waa ay is jecleyd Suugadana waxaa lagu dalacan jiray Hilib Ari iyo Subag Maantana Saliid Caddey ayaa la layahay, waxaana jiray Dhallinyaro iska dan yar ah oo Diin jecel oo raba in ay Xereystaan si ay diinta u bartaan Tusaala ahaan qaar dhallinyaradaas ka mid ah waxeey ka soo xereysan jireen Mudug iyo Galguduud waxeyna tegi jireen Baardheere iyaga oo aaney jirin wax Saad ah oo ay wataan Sheekha ay rabaan in ay wax ka bartaan ma yaqaan iyaguna ma yaqaanaan mar haddeyba yihiin Xer Cilmi doon ah sheekhu waa uu soo dhaweyn jiray wuxuu siin jiray Hoy ay jiiftaan Raashin ay cunaan waa uu u guurin jiray markii ay cilmiga bartaana wuxuu u idmi jiray in ay ku noqdaan halkii ay ka yimaadeen si ay Diintii halkaas uga sii fidiyaan lama soo koobi karo wax qabadkii culimada ahlusunna waljamaaca ee bal aan hoos u daadego.

 

Haddaba iyada oo ay ummaddu barwaaqadaas ku dhex jirto ayaa waxaa mar kaliya ka soo dhex booday koox Gaagaaban oo Garar waaweyn, Madax Xiiran , Da´ yar Xeyd xeydan oo Sarwaal gaaban oo aad moodo in ay geed ka boodi rabaan isla markaana Makarfoono waddooyinka la taagan oo qaylo dhegaha ku jebinaya Afkana Ubur ka deynaya Culimadana Aflagaadeynaya sheegayana in uu ilaah u soo diray in ay diinta nooleeyaan Madhabtooduna tahay Wahaabiyo, Muddo ka dib waxey dhaleen waan soo gaagaabinayaaye wax ay ugu yeereen Al-itixaad oo markiiba bilaabay in weeraro ku qaadaan Qaar ka mkid ah Gobollada Soomaaliya

 

Bal aan wada Dheygsano Sheekh Kamaaludiinn ### Halkaan Riix ###

 

Waxaa Caado u ah qolooyinkaan Cusub ee ummadda Jahwareeriyey in markii la fahmo oo ay ummaddu garato khayaanadoodaba ama ay jabaan Magaca bedeshaan markiiba Al_itixaad wuxuu isu bedelay oo uu dhalay Salafiyah, Salafiyana waxey u kala baxday Salafiyah Jadiid , Salafiyah Qadiim, Ictisaam iyo Takfiir.

 

Muddo ka dib waxey is tuseen in aysan sidaas waddanka ku hanan karin Hammigooda Xukun doonka ahna aysan ku gaari karin Aakhirkiina waxey ku midoobeen Waxa ay ugu yeereen Midoowgii Maxkamadaha Isla markiiba waxey Dagaal ku qaadeen Qabqablayaashii Dagaalka iyagoo Gacan ka helay Shacabka oo ay u haatiyeen Kitaab been ah iyaga oo uga faa´iideysanaya Naceybka Shacabku u qabeen Qabqablayaasha waddankii ayey isku fidiyeen 6/Bilood ka dib waxeey is tuseen in ay Geeska Afrika oo idil Xoog ku qabsan karaan waxaana ka soo fakaday wixii u qarsoonaa waxey ku dhawaaqeen Addisababa ayaan qabaneynaa Wax Dowlad la yiraahadana maba jiraan .

 

Ethiopia ayaa ku hanjabtay in ay waddanak soo geleyso Maxaakimtiina waxeey bilaabeen in ay markiiba dhalaan koox Cusub oo aan horay loo maqal oo la yiraahdo Alshabaab waxaa kale oo aay billaabeen in ay iskuuladii Xiraan Ardadiina yiraahdaan Jihaad ayaad geleysaan oo Jannadii ayaa idiin muuqata Raggii ku dhawaaqay Jihaadkana oo aad wada taqaanaana ay waddanka ka wada baxsadeen Halkaasna lagu halaagay Carruurtii Usha Mugdiga loogu tuuray.

 

Ethiopia ayaa Waddankii qabsatay Shacabkii ayaa is abaabulay Ciriiri Xooggan ayaa la geliyey Ciidamadii Ethiopia waxaa ku soo dhex dhuuntay kooxdii Shabaabka oo Afafkii soo Xirtay si hoosana u laaynaya Saraakiishii Dagaalada Hoggaaminayey Aqoonyahanadii Culimaaudiinkii iyo in allaale iyo intii wax garaneysay Dhammaantoodna waxey u dileen Gaalnimo iyada oo ujeeddada ka dambeysaa ay tahay in aan waddankka laga helin cid wax garata oo ka hortimaata Danahooda Guracan.

 

Bal aan wada dhegeysano Sheekh Janaqoow ### Riix Halkaan ###

 

Shabaabkii Markii dhagartoodii la gartay waxeey dhaleen Ukumo Cusub oo aan horay loo aqoon sida Raas kaambooni, Caanoole, Jabahal islaamiyah iyo Alfaaruuq halka kuwii waddanka ka cararyna ay ukala jabeen laba garab Jabuuti iyo Asmara .

Akhirkii Ethiopiaankii waa ay baxeen Dawladdii ay diidanaayeena waa ay dhacday Waxaa Jabuuti lagu soo yegleelay Dowlad uu Madax ka yahay Sheekh Shariif oo iyagoo dhan Madax u ahaa waxaa la filayey in aay sheekadii halkaas ku dhammaatay mar haddii Xukunkii ku soo wareegay ay muddaba raadinayaeen maxaa dhacay?

 

Waxaa dhacay Gaalnimadii ay dadka ku leyn jireen in ay dhexdooda ku wareegato oo qolaba qolo Gaaleysiiso Daowladdiina ka soo hor jeestaan oo maxey rabaan ? lama yaqaan balse waxaaba dhashay oo usbuucyo jira Koox cusub oo la magac baxday Xizbul Islaam Magacya badanaa oo qiima daranaa waxaase wax walba iiga daran dadka weli u jadbeysan Qoomka noocaas ah oo Nabad , Diin iyo Dowladnimo ka sugaya Dadkaas waxaan leeyahay Weertaan ku qanca(Baadida Ninbaa kula day dayi Daalna kaa badane oo in aad hesho doonaheyn Daa´im abidkaaye).

 

Taa waxaa ka sii daran Kuwa isku Tilmaamay Culimada Masaalixda oo hadda Xamar ku shirsan horta kuwaasi waa kuwama? Soow maahan kuwii shalay iyagoo dhan Culimada u ahaa oo bixin jiray Fatwooyinkii Nin door oo dhan lagu laayey, soow ma ahan kuwii Dorraad lahaa Waxaa qaldan Shariifka weliba ay qaarkood ku tilmaameen isaga iyo Dowladiisuba in ay yihiin Gaalo Shalayna lahaa Xasan Daahir ayaa Qaldan Waxaan soo Xasuustay Sheekadii Calina Gar leh Caydiidna Gar leh Maantana waxey isku Magacaabeen Culimadii Masaalixda waa yaab Waxaan maqli jiray Col ku dil oo Tuugo kuu Ciidamisay .

 

Haddaba Shacabka waxaan leeyahay Kuwaas Culima idinka raaci meysee inta aysan soo saarin Fatwo Dhammaantiin Waddanka la idinkaga saarayo idinku soo saara Fatwo aad ku baacsaneysaan iyaga iyo Xoogaggooda magacyada badan waayo waa ay is og yihiin oo idinka ayey idiin been guurayaan. Soomaaliduna waxeey ku maahmaahdaa Ilko Abeeso hoos ayey ka xiriiraan Sababtoo ah waa raggii maskaxda u ahaa hanashada kooxaha magacyada badan hanteen Dhaqaalihii, Waxbarashadii, Ciidaamadii, Siyaasaddii iyo Diintaan Owr ku kacsiga ah .

 

Bal aan yara dhegeysano Mid ka mid ah kuwa isku magacaabay Culimada Masaalixda oo sir ka fakatay ### Riix Halkaan ###

 

Marka Soomaalida waxaan u sheegayaa Mushkiladda heysata oo ay ka degi la,adahay in ay tahay Wadaad Gardheer Cimaamad Guduudan Sarwaal Gaaban Kitaab uusan isagu ku dhaqmeyna dadka ugu yeeraya Dadkana gaaleysiinaaya waxa ay heystaana si xeeladeysan uga furanaya waad ogtihiin Maantay waxa kaliya ee wax lagu dhaco ama lagu dilo Waa Gar weyn iyo Cimaamad guduudan kan leh Masaalix ayaan wadaa iyo ka dadka laynayaba waa ay is ogyihiin ee yeysan idiin dhuuman waa iga digniin u soo laabta Culimadii dhabta aheyd ee laydin ku diray si aad Naf iyo Maalba u badbaadaan haddii kale Warkiinu ha noqdo Suufi Diinta ka Run sheega waxaa ii dhaama Wahaabi been ii Fatwooda oo aan isku jaal nahay.

 

Halkaan ka dhegeysta Digniintii Culimada Ahlusunna Waljamaaca ay ka Digtay kuwa Isku magacaabay Culimada Masaalixda ### Riix Halkaan ###

 


Col ku dil oo Tuugo kuu Ciidamisay.


Wabillaahi Towfiiq


Waxaa qoray Osman Abdulahi London UK

Macallim Maxamud Sh.Xasan

Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca


Sh: Maxamud Cali Waceys


Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan



Sh:axmed Mataan

Gudoomiyaha ahlusunna waljamaaca ee UK


Sh:Cali Nuur Cilmi


Shekh Muuse Xaaji


Sh.Cali Looboge iyo Sh.C/Qadir M.Nuur


Sh.Maxamud Guriceel