Daraasad xog uruurin
ah oo laga sameeyay Gobolka galgaduud iyo dagaalada ka socda
Baaqyo fara badan iyo canbaarayno
kala duwan, ayaa ka soo baxaya deegaanada galguduud, ku
waas oo looga soo hor jeedo dhamanatood kooxada al-shabaab,laguna
taageerayo culamaa udiinka ahlusunna wa-ljamaaca.
Dadka deegaanaka ayaa dhamantood
ka dhinac dagaalamaya ciidamada ahlusunna wal-jamaaca. taas
oo lagu ogaaday daraasad xog uruurin ah oo laga sameeyay
xalaada gobolka, tan iyo intii ay bilaabmeen dagaalada u
dhaxeya labada dhinac.
Daraasadan ayaa sheegaysa in
si aad ah looga soo hor jeedo al-shabaab,iyadoo dadka deegaankaasi
kuu sheegayaan in aysan ahayan dad wanaagsan. halka culimada
ahlusunna ay dadku ay ka aaminsan yihiin wanaag .taasina
ay usuuro galisay in ay helaan taageerada shacabka.
Waxaa iska soo daba dhacaya
Dalab aay dadka deegaanku ku dalbanayaan in ay ka baxaaan
al-shabaab deegaanka galgaduud oo dhan. Hadii kale ay soo
wajihi doonto dagaal aan loo kala harin.
Arinkaan wuxuu sii xoogaysatay,ka
dib markii maydad farabadan oo al-shabaab uga dhintay dagaaladii
isdaba jooga ahaa ee ka dhacay gobolka lagaran waayay maydadkii
ay halakas uga tageen t taas oo ku abuurtay dadka deegaanka
aragti kale, waxaana arinka sii xoojiyay markii nin ajnabi
ah oo ahaa sargaal sare oo afrikaan ah lagu dilay dagaalkii
29 kii bishan ka dhacay dagmada Guriceel.
Oday dhaqmeed ka hadlay arinkaas
ayaa yiriwaxaan soo aruurinay maydad ka kooban 13
qof oo aan duugaynay, waxaan ka waynay hal qof oo lagarto
Baaqyadaan ay soo jeedinayaan
dadka deegaanku sida:- odayaasha dhaqanka Dhalinyarada iyo
Ganacsatadaba ayaa ah mid aan qarsoodi ahayn.kaas oo gaaray
heerkii ugu sareeyay.
Maahan mid qarsoon ,nacaybka
gobolka ee al-shabaab,
dagaalkan iyo ka horba. Balse
wuxuu aha hadda ka hor qunbulad aan qarxin,laakiin hadda
labaqarxay.
Oday sideetan jir ah ayaa yiriMaahan
mid aan aqbali karo hab dhaqanka gurucan ee al-shabaab,waxaana
la galaynaa dagaal aan loo kala harin,waxaan ahay sideetan
jir,colaada badan soo arkay ,lakiin xaaladda al-shabaab
maahan mid aan aqbalayno hadaan gabar gabadheed naga harin.
Mid kale oo ka mid ah odayaasha
deegaanka sida wayn looga qadariyo oo codsaday in aan magaciisa
la sheegin ayaa ku tilmaamay al-shabaab in ay yihiin gumaysiga
casriga.
Waxaan soomaray ayuu
yiri dagaalo gumaysi iyo mid qabaailba.umaduna way ku kala
qaybsanayd.balse hada waxaan u midownay la dagaalanka al-shabaab
oo nagu noqday wax aan cunaha ka dagayn, ma laqi karno al-
shabaab, mana ahan mid aan qaadan karno afkaartooda qalafsan.waana
iska dhicinaynaa ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii
Marka aad u kuur gasho xaalada
dhabta ah ee ka jirta G/galgaduud, ayaad dareemaysaa nacaybka
siyaadada ah,ee ay u qabaab dadka deegaanku al-shabaab,taasoo
u sahashay ahlusunna oo si weyn looga qadariyo deegaanka,in
ay kaga awood roonaadaan gobolka iyagoo kaashana dadka deegaanka.
Cali jaamaca
Hayada
nabada iyo cilimibaarista