Ixtifaaladii Mowliidka
Nabiga NNK ha ahaatee oo laga wada Dhigay Dhammaan Caalamka
Islaamka ayaa qabihii yurub waxaa lagu soo gebegebeeyey
Magaalamadaxda Labaad ee Waddanka Finland ee Turku

Sida aad la wada socotanba
waxaa sanad walba Bisha Rabiicul awal laga maamuusaa Dhammaan
Caalamka Islaamka Dhalashada Nabiga NNKha ahaatee Bishaas
oo ah Bishii uu dhashau Suubanaheenu SWC.

Hadda waxaa Waddamada reer
Yurub ee aan ku noolnahay ka socday Bishaas oo dhan Ixtifaallo
isdaba joog ah oo kii ugu dambeeyey 28/03/2009 lagu soo
gebegebeeyey Mahalada Turku oo ah Magaala madaxda labaad
ee Waddanka Finlad halkaas oo aay ku sugan yihiin dad ahlul
kheyr ah oo sanad kasta u kla harin Weneynta Dhalashada
Nabigooda Naxariista ahaa NNK ha ahaatee Haddii aay yihiin
Rag, Dumar Gabdho iyo Wiilalba.

waxaa ka soo qaybgalay Mashaaikh
fara bada oo aan ka Xusi karno Sheekh Maxamuud Guriceel_
Sheekh Xasan Sheekh Cumar _ Sheekh Axmed Jaamac- Macallin
Cabdullaahi_Macallin Maxamed Digsi _ Sheekh Ugaas_ Macallin
Xasan iyo Madaxa Muslimiinta Finlad Sheekh Axmadanii
Xafladduna waxeey ku dhammaatay Jawi wanaagsan.

















W/Q.Mohamed
Hersi Siad
Wadaadyare7@hotmail.com