BBC 11:00 AM
BBC 14:00 AM
BBC 18:00 PM


» Albisri.4t.com

» AllPuntland
» Allsomali.com
»
Arlaadi Online
»
Arlaadinet 
» Afgoi.com
» Ahlusunna.org
» Amin Art
» Bakaaraha
»
Barawapost

» Banaadiri

» Baafin.com

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» Nuurudiin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warshiikh


Gaal Xalaal iyo Gaal Xaraam waxaa laga hayaa Xasan Daahir Aweys

 

 

 

 

Halkaan ka dhegeyso Xasan Daahir oo Culimada Ahlusunna waljamaaca ku sheegay Mooryaan Gaalo Raac ah Isagoo hadda la og yahay in uu Gaal hoos fadhiyo misna Naxariis ka dalbaaya obama Subxaanallahi oo codsiyo u diray

 


 
Xasan Daahir Aways oo ahaa aabaha abaabulka gulufka colaadeed ee Wahaabyadu ka wado Gobolada dhexe ahaana caqliga ka dambeeya dabargoytnta culuma’udiinka ahlusuna wal-jamaaca iyo qufidda xabaalihii saalixiinta,ayaa waraysiyadiisa gaar gaarka ah iyo kuwiisa guudba halqabsi ka dhigta aflagaadada mashaaikhda somaliyeed.

 

Maahan markii ugu horaysay,mana noqon doonto tii ugu dambaysay,ee uu ku dhawacayo,sharafka iyo karaamada mashaaikhda somalaiyeed.
Wuxuu  halqabsi ka dhigtaa,gaala raacyada, iyo kuwa gaalada jecel, waa in lala dagaalamaa! Hadaba, su aasha iswaydiinta mudani, waxaay tahay, waa kuwama, kuwa gaalada jecel? una adeega? Waa kuwama, kuwajecel in ay xiriir la yeeshaan gaalada?.

 

Jawaabta dhabta ahi waa,isaga cidda ku sifowday gaala raac iyo gaalajacaylba.
Hadaan tusaale u sooqaadano,isaga naftiisa Xaguu hadda joogaa? Yaa haya? Yuu ka amarqaataa? yaa siyaasadiisa haga oo jiheeya? Yaa miisaaniyadda siiya? waxaa hubaal ah in uu miciinsaday ninka aduunka ugu gaalsan,uguna muslimka neceb,kaas oo ah, afworki.gaal maahan miyaa afworki? cadow islaam maahan miyaa? maxaa loo miciinsaday? Maxaa loola saaxiibay? Maxaase loola joogaa?.

 

Waxaad ila xasuusataan,oraahdii Xasan Daahir aways oo ahayd”waxaan u mahadcelinaynaa walaalkeen asiyaasi afoorqi axsaankii uu noo sameeyay” ma waxaa jira wax Xasan Daahir iyo afoorqi ku walaaloobi karaan?
Hadaan oraahdaa tixraacno, goormaan afoorqi walaalownay? goormuu xabiibka islaamka noqday uu xasan daahir ku tilmaamay

 

Diin maahan in  aad gaalada qaarna raacdo ood u noqoto camiil uu ku baabi’iya dadkiisa iyo dalkiisa,qaarna aad ku tilmaanto cadowga islaamka.
Xasan Daahir  wuxuu camiil u yahay,afoorqi waliba ugu jiraa xabsi  aan ka bixislahayn.
Ma miisaantay hadaladaada, iyo halka aad joogto? Dib ma u eegtay shaqada aad haysaa in ay tahay diin iyo in kale? mise dhagysataa hadladaada saxaafada ee isburburinaya? Ee aadan war ka hayn kaad shalay tiri.

 

Waraysi uu siiyay idaacadda Somali VOA 14/01/2009, wuxuu ku yiri Xasan Daahir”waxaan laba waraaqadood u diray baraak obama oo aan kaga codsaday xiriir saaxiibtinimo iyo in aan wax wada qabsano,walina iima soo jawaabin” waxaan umalaynayaa in ay maqlayeen, amaba hadda ay ka maqli karaan tixaraaca aan kor ku xusay, in xasan uu reer galbeedka la leeyahay,, xiriir saaxiibtinmo, iyo mid wax wada qabsi oo fog,balse taageerayaasha uu ku sabaansabo, gaala raac iyo cadowga islaamka.

 

saaxiibtinimda uu laleeyahay Xasan Daahir obaama iyo xiriirkaan uu la sameeyay oo isaga naf ahaantiisu uu daaha ka qaaday, ayaa ah mid dad badan, shaki ku abuurtay? waxaana  oraahdaa layska waydiin karaa; muxuu ku diidayaa, sheekh shariif? Mise obaamaa u gargaaray diinta islaamka,sahriifna waa la dagaalamay? ma obaamaa ka mudan,sheekh shariif? Mise shariifaa cadowga islaamka ah.suaalahaas iyo kuwa kaloo badan,  ayaa mudan Xasan iyo taageerayaasha uu madax maray,in ay ka niqashaan, jawaabtana umadda u soogudbiyaan.

 

Midda kale, Xasan Daahir oon warba ka hayn, wuxuu shalay yiri, ayaa maalin kasta u hadla,balse xikmadu waxay tahay, hadaad maanta hadlayso, in aad xasuusnaato waxaad shalay sheegtay.

 

Hadaan tusaale usoo qaato, mar uu Xasan Daahir khadka telefoonka kula hadlayay, taageerayaashiisa jooga yurub, mar ay su’aal ka waydiiyeen, cidda Guriceel ku daagalaamaysa, Xasan Daahir wuxuu kujawaabay sidaan: ”al-shabaabka Guriceel ka dagaalamaya dhamantood, wa ajaanib aan deegaanka u dhalan,kuwa wax maqlayana maahan” ”culumada ladagaalmaysaana, waa culamadii deegaanka, oo kadib markii maxkamadihii dayaceen dadka deegaanka, ayaa dadkii iyaga raaceen, taasina  waa qalad aan inagu leenahay”.
Isagoo horay taa u sheegay, ayuu hadana wuxuu waraysi ku bixiyay, 14kii bishan in ay waxa la dagaalamaya al-shabaab ay yihiin, mooryaantii dadka dhicijirtay.
Aflagaadada aan loo aabayeelin, ee culimada islaamka,cuqaasha iyo waxgaradka, ee Xasan Daahir waxay dulucdeedu tahay islaam nacaybka ku baahay qalbigiisa.
Hadiise miisaan loo sameeyo labadaas oraahood kee buu qaldanaa? Kee buuse saxsanaa? Mise wuu wada qaldanaa.

 

Macaadalaah;ma’mudana culamada somaaliyeed jaa ifada kaga timid Xasan Daahir.waxaana wax laga yaxyaxo ah in shaqsi diin sheeganaya uu ku tilmaamo ah-lusuna wal-jamaaca in ay yihiin mooryaan balse taas waxaa jawaab dag adag ah kabixiyay dadwaynaha somaliyeed,oo khadadka isgaarsiinta iyo goobaha laysugu yimaado ka sheegay, in ay kaligiis ku tahay ee aanu ku matalin shacabka somaliyeed,oo ixtiraam wayn u haya culamadooda.
Umaadu ha ogaato;in shriif uusan ahayn cadowga islaamka,obaamana ahayn,xabiibka islaamka.

 

Umaddu ha ogaato xiriirka obaama iyo Xasan Daahir. Umaddu ha ogaato Xasan Daahir iyo xiqdiga fogaaday ee uu u qabo culaamu’diinka ahlusuna wal-jamaaca.
Umadeenu ha diido afoorqi iyo  obaama ayaa u arxamaya islaamka.
Gunaanadka faalada Ha is waafajiyo Xasan Daahir hadaladiisa hana kala ogaado  xabiibka islaamka iyo cadowga islaamka hana xoojiyo xiriirka,hambalyada iyo hilowga obama.

 
 

 

 

 

Dalmar raage jamaac
Waashigton (DC)

Macallim Maxamud Sh.Xasan

Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca


Sh: Maxamud Cali Waceys


Macallim Siciid


Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan



Sh:axmed Mataan

Gudoomiyaha ahlusunna waljamaaca ee UK


Sh:Cali Nuur Cilmi


Shekh Muuse Xaaji


Sh.Cali Looboge iyo Sh.C/Qadir M.Nuur


Sh.Maxamud Guriceel


Sheekh Cabdiraxiim


Macallim Maxamedamiin


Macallim Maxamed(Digsi)