Shirkii
5/aad ee Culumaa´udiinka Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca
ee Qaaradda Yurub oo Xalay Si Rasmi ah loogu soo gebagebeeyey
Magaalada Stockholm ee Waddanka Sweden.
Sheekh Maxamuud Guriceel
Shirkaan oo ahaa mid ka mid Shirar
Culumada Ahlusunna waljamaaca aay Sanadkiiba mar isugu yimaadaan
ayaa wuxuu ah mid si weyn uga bedelan Shirarkii hore Xagga
Qaban qaabada , Soodhaweynta iyo Farsamadaba .
Shirkaan oo aay ka soo qayb galeen
Dadweyne aad iyo aad u fara badan oo runtii aay dad badani
istaagga ku dhegeysanayeen sida ka muuqata Sawirada ayaa 3/dii
Maalmood ee Shirkani socday waxaa ka baxday 9/Muxaadaro iyo
Nadwadii oo aheyd Qaybtii ugu Dambeeysay Maalintii Seddexaad
oo aheyd Shalay oo Axad aheyd.
Waxaa iyana Xusid Mudan looguna
Bishaareynayaa Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah gaar
ahaan Bahda Ahlusunna waljamaaca Meel kasta oo aay Caalamka
ka joogaan in Seddexdii Maalmood ee uu Shirku socday si Live
ah loo daabacay Muxaadarooyinkaas Nuqol ka badan 600/oo DVD,
iyadoo haddana gacanta lagu hayo in ka badan 1800/ oo DVD
oo qaar weli shaqadii ku socoto si loo gaarsiiyo Dhammaan
Daafaha Caalamka si Ummaddu uga badbaado Fitnada Khawaarijta
Wahaabiyada ah ku heyso Caalamka gaar ahaan Soomaaliya.
Sheekh C/Rasaaq Yuusuf
Aadan
Haddaba Shirkii shalay oo aay
ka Muxadareeyeen Culumo aay ka mid ahaayeen Fadiilatu Sheekh
Maxamuud Maxamed Cali oo ku Magac dheer Sheekh Guriceel oo
Sheekh isugu Marti geliyey Shirkaas ayaa waxaa iyana shalay
halkaas Muxaadaroouin aad loo jecleysatay halkaas ka soo jeediyey
Fadiilatu Sheekh C/Risaaq Yuusuf Aadan Guddoomiyihii Hore
ee Culumaa´udiinka soomaaliyeed ee Ahlusunna Waljamaaca
, iyo Caalimka Weyn ee Qaaradda Yurub Fadiilatu Sheekh Cali
Nuur Cilmi, halka uu ka xiriirinayey Dr. Sheekh C/Fitaax Cabdirashiid
Sheekh Yuusuf oo ahSheekh Azhari ah.
Sheekh Cali Nuur
Cilmi
Waxaa iyana in la Xuso mudan
Howl wadeenada Nidaamka Shirka oo iyagu Laba UsbuucShirka
ka hor Howshaan u soo hor maray si aay u sugaan Nidaamka Shirka
, iyaga oo welibana ka kala yimid gobollo iyo waddama kala
duwan , kuwaas oo kala ahaa Fadiilatu Sheekh Cabdirisaaq Yuusuf
oo ahaa Shirguddoonka, Dr, Rashiid Sheekh Maxamed oo ah Dhakhtar
Soomaaliyeed kuna Xeel dheer Qaban qaabada Shirarka Noocaan
oo kala ah in muddo ahna ku soo dhex jiray, iyo weliba Dr.
Sheekh Maxamed Khaliif oo ah Sheekh Dhammaan Muxaadarooyinkii
Baxay si kooban ugu turjumay Luqada Ingiriiska si caalamka
oo idil loo wada gaarsiiyo una fahmaan ujeeddooyinka Shirka
.
Guddoomiyaha Guddiga
Soo dhaweynta Macallin Faarax Cumar Xaji
Waxaa isna aan marnaba la hilmaami
karin Guddoomiyaha Guddiga Soodhaweynta Macallim Faarax Cumar
Haaji oo aad loogu maqsuuday Qaabka Soo dhaweynta isaga iyo
Kooxdiisa , iyaga oo aan meeshana ka maqneyn Dhallinyarada
Quddamada ahaa ee isugu jiray Wiilasha iyo Gabdhaha , kuwaas
oo aay astaan u aheyd Jaakad Jaalle ah oo aay Dhabarka dambe
kaga taal Astaanta Ahlusunna waljamaaca sida ka muuqada Sawiradooda.
Sheekh Cali iyo Sheekh
Cabbaas
Shalay waxaa ka jawaabay Dhammaan
Su´aalihii Dadweynuhu soo gudbiyeen Caalimka reer Yurub
Fadiilatu Sheekh Cali Nuur Cilmi, iyada oo uu Su´aalahana
weydiinayey Qoraaga D´ada yar Sheekh Cabbaas Xaaji Maxamed
Sheekh Yuusuf Sheekh Magaalada Borås ee Wadanka Sweden.
Ugu Dambeyntii Dr. Sheekh Maxamed
Khaliif ayaa Dadweynaha hortooda wuxuu ka akhriyey Bayaankii
Culumadu ka soo saareen Shirka waxaana Shirkii Seddexda Maalmood
socday soo Xiray Shir guddoonka Shirka Sheekh C/Risaaq Yusuf
Aadan , shirkiina wuxuu ku dhammaaday Jawi Farxad iyo reyn
reeyni ku dheehantahay ka naxoow Nafta waa ku farxoow kor
allaha kaa yeelo Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin!!!!!!
Sheekh Cabbaas Xaaji
Maxamed Sheekh Yuusuf
Sheekh Guriceel iyo
Dr.Sheekh C/Fataax
Qaar ka mid ah Khudumadii
Xaruunta
Wararka Shaaficiyah
News
in english
Ethiopian
troops vacate from Kala-beyrka in Hiran in Hiran Region