Sidee looga Xusay
Dhalashada Nabi Muxamed NNK ha ahaatee Waddanak Mareykanka

Waxaa lagu soo gebegebeeyey
Convention Center Minneapolis,Minnesota Xaflad si heer sare
ah loo soo qaabeeyey oo lagu xusayey Mowliidka Nabiga NNK
ha ahaatee.
Haddaba Xafladdaas oo aay ka
soo qayb galeen Dadweyne aad iyo aad u fara badan oo isugu
jiray Rag Dumar iyo Carruurba oo dhammaantood ku wada faraxsanaa
ka soo qaybgalaka Xuska Nabiga ayaa waxaa Muxadarooyin Diini
ah ka soo jeediyey Culimada kala ah:-

1- Shariif Maxamuud Shariif
(MPLS,USA)
2- Sheekh Cali Cilmi (UK)
3- Sheekh Yusuf Cabdi(Kentucky)
4- Sheekh Cabdiweli Sheekh Maxamed(Ohio)
5- Sheekh Maxamed Sheekh Yuusuf(Kentucky)

Sidoo kale waxaa Qasiidooyin
Nabi ammaan ka soo jeediyey Xafladda Caruur yar yar oo isugu
jira Wiilal iyo Gabdho xafladdiina waxey ku dhammaatay Jawi
wanaagsan.



Waxaa soo Diyaariyey
Nuuradiin Axmed Maxamed