BBC 11:00 AM
BBC 14:00 AM
BBC 18:00 PM


» Albisri.4t.com

» AllPuntland
» Allsomali.com
»
Arlaadi Online
»
Arlaadinet 
» Afgoi.com
» Ahlusunna.org
» Amin Art
» Bakaaraha
»
Barawapost

» Banaadiri

» Baafin.com

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» Nuurudiin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warshiikh


xaflad aad u balaaran oo aan horay uga dhicin nooceeda magaalada Muqdisho laguna soo gaba gabaynayay Ixtifaalka Mowliidka Nabi Maxamed CSW, ayaa lagu qabtay hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xafladaani oo ay kasoo qeyb galeen culamaa'udiinka Soomaaliyeed,odayaasha dhaqanka oo uu hogaaminayay Sheekh Muuse Cagaweyne qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxaa ay ahayd mid looga gol lahaa gunaanadka iyo gaba gabada xafladihii isdaba jooga ahaa ee lagu weynaynayay dhalashada nabigeena Muxamed CSW, kuwaasi oo soo bilaawday horaanta bisha Mowliid ee aynu kasoo gudubnay.

Dhinaca kale Sheekh Aweys Cabdi Cali ayaa goobta ka aqriyay bayaan ay soo saareen culamaa'udiinka kaasi oo u qornaa sida tan:

kadib markii ay culimada Ahlu-sunna Waljamaaca daraasad dheer ku sameyeen xaalada guud ee uu dalka marayo.

kadib markii ay arkeen duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday diinta Islaamka oo laga dhigtay hadba sidii la rabo.

kadib markii ay culimadu tix geliyeen cabashadda ba'an ee kasoo yeertay shacabka Soomaaliyeed ee wada suniga ah.

Kadib markii ay culimadu u kuur galeen baabi'inta iyo burburinta lagu hayo astaanta dalka sida: faagida qubuuraha halgama yaashii dalka oo ay ugu horeeyeen culamaa'udiinka Ahlu-Sunna, bedelida calanka Soomaaliyeed iyo dhaqanka suuban, bedelida ummada iyo madax banaanida dalka.

Markii ay culimadu dareemeen inay soo ifbaxeen shaqsiyaad sheeganaya hay'adda culimada Soomaaliyeed oo doonaya inay magaca culimada ku gaaraan dano siyaasadeed iyo kuwo gaar ah.

kadib markii la'arkay ugaarsiga lagu hayo maclimiinta mudarisiinta, aqoon yahanka, dhaqaatirta, saraakiisha dalka iyo dadka biri mageydada ah ayaa culimada waxaa ay soo saareen qodobadaani:


1. Culimada Ahlu-sunna waljamaaca waxaa ay cambaaraynayaan falalka foosha xun ee la'isugu dayayay in lagu mamnuuco soo dhoweynta dhalasha Nabi Muxamed CSW ee ka dhacday qaar kamid ah Gobolada dalka.
2. Culimadu waxaa ay cadaynayaan in falalkaasi ay lidi ku yihiin diinta laguna farax gelinayo cadowga islaamka ee Yahuuda.
3. Culimadu waxaa ay ceebayn dusha uga tuurayaan falalka lagu qufayo laguna bixinayo lafaha halgamayaashii dalka iyo diinta.
4. Culimadu waxaa ay isku raaceen in falakaasi yihiin kuwo kasoo horjeeda shareecada islaamka looguna adeegayo cadawga ummada.
5. Culimada waxaa ay si aad ah uga xun yihiin in mashaa'iqdii dalka ee qeybta lixaadka leh kasoo qaatay fidinta diinta lagu tilmaamo mushrikiin, taasi oo loola jeedo in shacabka Soomaaliyeed dhamaantoodu ay yihiin gaalo hadda la'islaaminayo.
6. Culimadu waxaa ay aamin sanyihiin in falakaasi yihiin diinta oo lagu duminayo magaca diinta si loo fuliyo afkaar shisheeye.
7. Culimadu waxaa ay ka soo horjeedaan baabi'inta astaanta dalka sida: Calanka, taariikhda maashaa'iqda, dhaqanka suuban iyo madaxbanaanida, falalkaasi oo ay ku howlan yihiin kuwo maskaxda shisheeye ka'ah muqaalkana Soomaali ka ah.
8. Culimadu waxaa ay ka soo horjeedaan in magaca diinta laga dhigto arin lagu gaaro dano siyaasadeed iyo kuwo gaar ah.
9. Culimadu waxaa ay cadeynayaan in shaqsiyaadka isku magacaabay hay'adda culimada aysan ka turjimaynin culimada Soomaaliyeed. Ayna qeyb ka yihiin mashaakilka dalka ka jira.
10. Culimadu waxaa ay ugu baqeen shacabka iyo dowladuba inaysan ku kadsoomin kuwa diinta u fasiraya hadba sida waafaqsan danahooda waxaana cad in dowlada ay u maleegayaan kooxdaasi shirqoolo ka dhan ah, iyagoo soo saara awaamiir aysan xaq u lahayn.
11. Culimadu waxaa ay u soo jeedinaysaa dowlada inay muujiso doowrkeeda mas'uuliyadeed ee ku aadan dalka, dadka iyo diintaba.
12. Culimadu waxaa ay sidoo kale ugu baaqayaan dowlada inay cadayso mowqifkeeda ku aadan Mowliidka Nabi Muxamed CSW, laguna fagayo lafaha culimada Soomaaliyeed misna lagu gubayo calanka Soomaaliyeed.
13. Culimadu waxaa ay soo dhoweynaysaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxayna ku adkeynayaan dowlada inay ku dabaqdo mad habka shaaficiga madaamaa u yahay madhabka ay Soomaalidu ku dhaqanto.
14. Culimadu waxaa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay iska difaacaan Khawaarijta duulaanka iyo qarbudaada qaawan ku soo qaaday dalka iyo dadka iyo diinta.
15. Culimadu gaba gabadii waxaa ay cadaynayaan in dagaalada ka jira Gobolada Galgaduud, Gedo iyo Jubadda Dhexe ay yihiin weerar lagu soo qaaday culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo shacabkooda, sidaa darteedna ay xaq u leeyihiin shacabku inay iska difaacaan qawaarijtaasi duulaanka ah.

Bayaanka kadib culimada halkaasi ka hadashay waxaa kamid ahaa:



1. Macalin Cabdiraxmaan Sheekh Suufi.
2. Sheekh Xassan Dheere.
3. Sh. Sayid Sh. Aba Cali Sh. Maxamed Sh. Cali Maye.
4. Sh. Muuse Cadde
5. Sh. Nuurdiin Rooble Xuurshoow.
6. Sh. Muuse Cagaweyne.
Iyo Culimo kale oo aad u fara badan

 

Wariyaha Ahlusunna Muqdisho

baashicali@hotmail.com

Macallim Maxamud Sh.Xasan

Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca


Sh: Maxamud Cali Waceys


Sh:C/Risaaq Yuusuf Aadan



Sh:axmed Mataan

Gudoomiyaha ahlusunna waljamaaca ee UK


Sh:Cali Nuur Cilmi


Shekh Muuse Xaaji


Sh.Cali Looboge iyo Sh.C/Qadir M.Nuur


Sh.Maxamud Guriceel