Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalo kutaala dalka Holland (Daawo Sawirada)

0

Nin hubeesan ayaa weerar ka geestay goob tareenada laga raaco oo kutaala magaalada Utrecht oo kutaala bartamaha dalka Holland, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dad rayid ah soo gaaray.

Wakaaladaha wararka ayaa tabinaya in nin hubeesan uu rasaas ku furay goob tareenada laga raaco, waxaana weerarkan la sheegay in ay ku dhaawacmeen dhoor qof, dhaawacyada qaar ayaana ah kuwa culus.

Booliska ayaa sheegay in Qof argagaxiye ahi uu Qeeylo iyo Rasaas iskugu daray dad ku sugnaa goobta tareenada laga raaco , booliiska ayaana xiray aaga uu weerarku ka dhacay iyagoona wada baaritaano.

Diyaarado nuuca qumaatiga u kaca iyo ciidamo badan oo hubeesan ayaa la geeyay goobta uu weerarku ka dhacay, booliiska ayaana la filayaa in faah faahino dheeraad ah ka bixiyaan weerarkan .

Share.

About Author

Leave A Reply