Qarax goor dhow ka dhacay KM.4 ee Magaalada Muqdisho

0

Qarax meelo badan laga maqlay ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay  magaalada Muqsisho caasimada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo marayey isgoyska Km4.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu dab xoog leh qabsaday, uuna ku gubanayo goobta uu ku qarxay.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo xiray wadooyinka soo gala.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo cida wadatay gaariga qarxay, iyadoo qaraxyada noocan ah ee gaadiidka lagu soo xiro ay mudooyinkan ku soo badanayeen Muqdisho.

Shaaficiyah News
Muqdisho Somalia

Share.

About Author

Leave A Reply