Xaflad lagu weyneynaayo Habeenkii la dheelmiyey Nabigeena Muxamed SWC oo lagu qabtay Magaalada Helsinki ee Waddanka Finland.

0

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo aay ka soo qayb galeen Culumaaudiinka Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca ee Waddanka Finland iyo Waddamada la deriska ah sida:- Sweden , Norway, iyo Danmarka ayaa lagu qabtay Magaalada Helsinki ayaa lagu qabtay Waddanka Finland.

Xafladdaas oo lagu weyneynaayo Dheelmintii Nabi Muxamed SWC ( Al-israa wal micraaj ) ayaa waxa ka muxaadareeyey Culumo Caan ah oo aay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamuud Guriceel iyo Sheekh Cabdullaahi Salaad , halka aay Nabi Ammaano aad u Macaan dadka ugu raaxeynayeen Maadixa Da,da yar Sheekh Muxyadiin iyo Macallim Bardacad , Xafladduna waxeey ku soo idlaatay Guul iyo Farxad .

Al-Xaaji Abdi Xaaji Ali Fidow
Shaaficiyah News
Gothenburg Sweeden.

Share.

About Author

Leave A Reply