Madixii Al-Shabaab ee gobolka Sh/hoose oo isku soo dhiibay Ciidamada dowlada

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in Madaxii  Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Sh/hoose Ibraahim Maxamed Bitow iyo askari ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah ay isku soo dhiibeen  guutada 14-ka October ee ciidanka XDS.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaalkan iyo askariga ilaalada u ahaa ay hadda ku jiraan Gacanta Ciidanka Xoogga dalka.

Labada nin ayaa watay qoryaha fudud ee loo yaqaano Ak-47, faahfaahina lagama bixin qaabka ay isku soo dhiibeen iyo sababta ku kaliftay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday gobolka Shabeellaha hoose.

Kooshin yare
Shaaficiyah News
Muqdisho Somalia

Share.

About Author

Leave A Reply