Madaxweyne Farmaajo ma oggolaan doonaa Magacaabidda Abdirahman Mohamed Abdullaahi?

0

Madaxweyne Farmaajo oo horey u diiday Gudoomiyaha Bankiga Dhexe inuu u magacaabo Nigel Roberts ma magacaabi doonaa Abdirahman Mohamed Abdulahi?

Golaha Wasiiradda oo isku raacay in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabo Abdirahman Mohamed Abdullahi oo ah dhaqaalayahan heysata dhalashadda dalka Norway, horey uga soo shaqeeyey Hayadda NRC ee dalka Norway, la-taliye dhinaca dhaqaalaha u ahaa RW Kheyre, Mudanahaan oo saaxiib dhow la ah RW Kheyre ayaa sidoo kale kamid ahaa guddiga qaabilsanaa soo xulida Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Guddigaa oo interview-ga ka qaadayey muwaadiniinta shaqada soo dalbaday.

Xili ay muuqanayso jiritaanka Xoojinta Awoodaha ka hor Doorashadda 2020-ka ee u dhaxaysa Madaxda Dawladda Somalia, RW Kheyre golaha wasiirada horey uga saaray inta badan Xubnaha rabitaankiisa su’aal gelin karayey, waxaa horey u jiray qorshe uu watay RW Kheyre oo aheyd in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe looga dhigo Nin ajnabi ah oo lagu magacaabo Nigel Roberts, qorshahaa oo golaha Wasiirada horey isugu raaceen in sharciga Bankiga dhexe wax laga bedelo, wax ka bedelidda sharciga Bankiga dhexe oo Baarlamaanka ansixiyey, balse qorshahaa waxaa diiday inuu saxiixo Madaxweyne Farmaajo.

Sida uu dhigayo Sharciga Bankiga dhexe (Sharci No. 130) guddoomiyaha & ku-xigeenkiisa magacaabaya Madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirada.

Mohamed Dahir Guuleed
Shaaficiyah News
Muqdisho Somalia

Share.

About Author

Leave A Reply