Diyaarado dagaal oo xalay weerar ku qaaday Saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Degmada Jilib.

0

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxay duqeymo ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegey in ay ku dhacday saldhig iyo xarumo ay halkaasi ku leeyihiin Al-shabaab.

Xarumaha la duqeyay oo lagu sheegay 2 xarumood ayaa la tilmaamayaa in Kooxda Al-shabaab ay halkaasi diyaarinayeen waxyaabaha qaraxyo.

Ila xog ogaal ah ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay u qeybsamihii Al-shabaab ee Gobolka Banaadir, iyadoona intaasi ay wararka ku darayaan in la bur buriyay saanad melateri oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymo ka fulinayaan saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kooshin Yare
Shaaficiyah News
Muqdisho Somalia

Share.

About Author

Leave A Reply