Ganacsigii Suuqa Eastleigh ee magaalada Nairobi oo caadi ku soo laabtay maantay.

0

Xildhibaanka laga soo doorto Kamukunji Yusuf Hassan ayaa ku guuleystey in la xaliyo khilaaf soo kala dhex galay ganacsatada suuqa Eastleight ee magaalada Nairobi iyo Laanta canshuuraha u qaabilsan dowlada Kenya taasoo sababtay in uu joogsado ganacsiga suuqa labadii maalmood eel a soo dhaafay.

Mr Hassan Xildhibaanka Kamukunji ayaa sheegay in khilaafka uu soo dhex galay Madaxa laanta canshuuraha John Njiraini ayna sababtay in is afgarad la gaaro ganacsataduna ay dib u bilaabaan howlahoodii caadiga ah maanta kadib markiii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Ganacsatada suuqa Eastleigh oo badankood ah Soomaali ayaa ka cabanayay canshuur lagu kordhiyay badeecadaha ay dibadda ka keensadaan.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Eastleigh Sheekh Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in lagu kordhiyay konteerada lacag canshuur ah oo afar laab kabadan lacagtii ay hore uga bixin jireen.

Kumanaan konteenaro ah oo ay ganacsatadan doonayeen inay keenaan suuqa Eastleigh ayaa ku xayiran dekeda Mombasa kadib markii canshuur xad dhaaf ah la duldhigey.

Ahmed Afgooye
Shaaficiyah News
Nairobi Kenya

Share.

About Author

Leave A Reply