Ogeysiis ku saabsan Ixtifaalka Dhalashada Nabiga NNK ha ahaato ee Waddamada Sweden iyo Finland.

0

Hambalyo  – Hambalyo – Hambalyo.


Marka hore waxaan dhammaan ummada Muslimka ah meel kasta oo aay Caalamka ka joogan  , Gaar ahaan Soomaalida ugu hambalyeyneynaa Bilashada Bisha barakeysan ee Rabiicul-awal oo ah Bishii uu dhashay Xabiibkeenna Maxamed SCW. oo ku beegan 29/Oct.2019.

1- Intaa ka dib Culumada Ahlusuuna Waljamaaca ee Qaaradda Yurub waxey Axbaabta jecel Nabigooda Muxamed SCW. ku war gelinayaan in Sanadkaan Ixtifaalka Nabiga SCW. lagu billaabi doono Magaalada Helsinki ee Caasimadda  Waddanka Finland 2/da Bisha November 2019 oo ah Maalin Sabti ah , waxeyna Xafladdu Billaabaneysaa Salaadda Duhur ka dib.

2- Xafladda Labaad ee Saanadkaan waxey ka dhici doontaa Magaalada Turkuu ee Caasimadda Labaad ee Waddanka Finlad Waa Sabtida Xiga oo ku beegan 9/ka Bisha November , Xafladduna waxeey billaaban doontaa sidoo kale Bacadal Duhur ama Salaadda Duhur ka dib hadba sidaad u taqaan.

3- Xafladda Seddexaad ee Sanadkaan iyana waxey ka dhici doontaa Magaalada Göteborg (Gothenburg) ee Caasimadda Labaad ee Waddanka Sweden 16/ka Bisha November oo ah Maalin Sabti ah Bacdal Magrib , ama Salaadda Magrib ka dib hadba sidaad u taqaan.

Ka soo qaybgal wanaagsan Inshaa Allah.

 

Xaruunta Shaaficiyah.com
Göteborg Sweden

Share.

About Author

Leave A Reply