DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Xasuuqii Alshabaab ka geysteen Inta u dhexeysa Maxaas iyo Baladweyne

0

War saxaafadeed mar dhoweyd kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerar Al Shabaab ku dileen dad badan oo shacab ah. oo la socday gaadiid xamuul siday oo marayay deegaan u dhaxeeya Baledweyn iyo Maxaas.

Warsaxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Al Shabaab weerarkan ay geesteen uu muujinayo in aysan cidna u tureen , waxa ayna dowladda sheegtay in weerarkan muujinayo in Al Shabaab tabar dhigeen ayna awoodin in ay kahor tagaan ciidanka dowladda.

War saxaafadeedka dowladda federaalka kasoo baxay ayaa u qorna asida tan , ayaa lagu sheegay  weerarkan mid wuxuushnimo ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, iyagoo ka careysan  xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda awgeed.

 

Xaruunta Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply