ATMIS oo ku baaqday Guluf Colaadeed oo ka dhan ah Kooxda Alshabaab.

0

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku laayeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas, iyagoo halkaas ku gubay  gaadiid raashin iyo sahay kale siday.

War Qoraal ah oo kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada Al Shabaab u geesteen shacabka, waxa ayna cadeeyeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi ee dalka qeybo kamid ah ka bilowday.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka hana qaada guud ahaan  Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka ATMIS kasoo baxay.

Share.

About Author

Leave A Reply