Dagaalyahanno Macawisleey ayaa Weerar aargoosi ah ku qaaday Alshabaab.

0

Sida ay nagu soo gaarayaan Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad macawuusley ah weerar culus ku qaadeen deegaan dhaca duleedka degmadaasi, oo ay heesteen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Afhayeen u hadlay Dagaalyahannada  macawuusleyda ee weerarka qaaday ayaa sheegay in ay heleen xogta deegaan ay isku aruursanayeen kooxdaasi, ayna halkaasi ku weerareen kuna gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

Sida aan wararka ku helnay dagaal culus ayaa maleeshiyaadka macawuusleyda iyo Al Shabaab ku dhax maray deegaanka Geed-weyn ee kuyaalla duleedka Jalalaqsi, waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro.

Kooxda Macawuusleyda ayaa sheegtay in weerarka ay Al Shabaab ku qaadeen jawaab u ahaa dadkii ay ku laayeen duleedka Baledweyne, waxa ayna xuseen in dagaalka Al Shabaab uga dileen ilaa 15-nin.

Share.

About Author

Leave A Reply