Kooxda Alshabaab ayaa Goob fagaare ah ku toogtay Shan ruux oo aay ku sheegeen Basaasiin.

0

Goob Fagaare ah oo ku Taalla Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo aay isugu soo baxeen boqolaal ruux oo  aay  Al-shabaab u yeereen si ay u daawadaan xukun dil ah oo lagu fulinayay dad ku eedaysan falal jaajuusnimo waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warbaahinta taageerta kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in Ilaa iyo 5 ruux lagu dilay fagaare ay ugu magac dareen Macallin Aadan Xaashi waxayna ku eedeeyeen inay u basaasayeen sirdoonnada dowlado shisheeye.

Ma sheegin Al-Shabaab Magacyada ragga ay dileen iyo kuwa ay ahaayeen sirdoonada ay u basaasayeen.

Al Shabaab ayaa badanaa sidaan oo kale xukunno dilal ah ugu fuliya dad lagu eedeeyey jaajuusnimo.

 

 

Xaafiiska Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply