Cumar Cabdirashiid Rashiid Raiisulwasaarihii hore ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Muddo kororsiga uu sameeyey Axmed Madoobaha Jubba-land

0

Sida aad ka wada war qabtaanba Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhawwaan sameeyay muddo kororsi hal sanno ah ay ugu dareen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna taasi abuurtay dareen ah in maamulada kale iyaguna sameestaan muddo kororsi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in muddo kororsi loo sameeyay hoggaamiyaha Jubbaland ay tahay khatar, waxa uuna xusay in tallaabadaasi horseedi karto in maamulada kale iyaguna ku daydaan.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa layaab ku tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo  Xasan Sheekh ka aamusto muddo kororsiga Jubbaland, waxa uuna xusay in dowladdu ku qasbanaan doonto in ay ka aamusto maamulada kale haddii iyaguna muddada kororsadaan.

Maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna wada qorshe ay ku sameesanayaan muddo kororsi lamid ah midda uu sameestay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 

Xaafiiska wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply