Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta Askar ku ridday Ciqaab culus.

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday saddex askari oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ,oo dil bareer ah ugu geestay deegaanka Bariire dhallinyaro beeraley ahaa.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac Xersi oo katirsanaa ciidamada Gorgor ayaa si bareer ah halka loo yaqaan Iskuulka Duqda ee kuyaalla Bariire ugu dilay Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Labadan askari ee dilka geestay iyo askari kale aan hubeesneen oo lagu magacaabo Maxamed Isxaaq Guuleed ayaa isku raacay in dad shacab ah dhac u geestaan, hasa ahaatee askartan ayaa markii dambe dil bareer ah u geestay labo wiil oo dhallinyaro ah.

Maxkamadda ciidamada ayaana maanta xukun dil ah ku riday Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac Xersi oo ah qisaasta labadii wiil ay dileen, halka maxkamadda saddex sanno oo xabsi ciidan ku riday Maxamed Isxaaq Guuleed.

 

 

Xaafiiska Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply