Rag ka tirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Galmudug.

0

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen inay ahaayeen Saraakiil ka goostay Al-shabaab.

Ciidanka ayaa sheegay in labada ruux ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Koofurta Gobolka Mudug.

Magacyada ragga isa soo dhiibay ayaa lagu kala sheegay Xassan Nuur Daleel oo magaciisa afgarashadu yahay Sharmaake iyo Maxamed Nuur Xassan oo la sheegay in ay xiriiro kala duwan la soo sameyeen Ciidanka, isla markaasna ay u suura gashay in ay ka soo baxsadaan Al-shabaab.

 

Xaafiiska wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply