Duqa Muqdisho oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Shaqaalaha D/Hoose ee Muqdish

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha guud ee Dowlada hoose Xamar.

Madaale wuxuu  ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin iyo caqabadaha jira.

Guddoomiyaha ayaa Agaasimayaasha uu kulanka la qaatay kula dardaarmay inay si hufan ugu qidmeeyaan bulshada isla markaana laga fogaado wax kasta oo la xariira musuq-maasuq.

Guddoomiyaha Gobolka  ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

 

Xaafiiska Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply