Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz iyo xubno la socday.

Xamse Barre iyo Danjiraha Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Raiisulwasaaraha iyo danjiraha Masar ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii dowladda Masar taageero uga geesan laheyd dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Masar ayaa xiriirkoodu sanadihii lasoo dhaafay ahaa mid aan fiicneen, waxaana xiriirka labada dal dib boorka uga jafay Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii la doortay kaddib booqasho ku tagay Masar lana kulmay madaxweynaha dalkaasi.

 

Xaafiiska Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply