Dayuuradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Galmudug

0

Dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ayaa xalay ka geystay degaanno u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab oo ku yaalla degaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur.

Dad ku dhow dhow degaanadaas ayaa sheegay warbaahinta iney maqleen jug culus oo ah duqeynta ay dayuuradaha dagaalka geysnayeen.

Duqeyntan oo inta badan ay fuliyaan dayuuradaha Mareykanka ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaana weli wax war ah ka soo saarin.

Xaruunta Wararka Shaaficiyah
Muqdisho Soomaaliya

Share.

About Author

Leave A Reply